Sunday, March 6, 2016

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amar ku bixiyey inaan la xiriri karin waddooyinka magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amar ku bixiyey inaan la xirin karin waddooyinka muhimka ah ee caasimadda, ilaa uu maamulkiisa ogyahay, ama in fasax laga qaato mooyee, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ka jawaabayey dhacdooyin dhowr mar dhacay oo keenay in jidadka hal-bowlaha ah la xiro.
Waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la aqbali doonin in la xiro wado, iyadoo uusan maamulka ogeyn, wuxuuna faray maamullada degmooyinka in ay la socdaan cid kasta oo xirato wado oo uu xusay in tallaabo laga qaadi doono.
Maamulka gobolka ayaa lagu wareejiyey dhawaan mas'uuliyadda amniga caasimadda, iyadoo la hoos-geeyey talisyada nabad sugidda iyo booliska, Guddoomiye Jimcaale ayaa sheegay si looga hortago in shacabka ay saameyso xilliyada ay wax dhacaan ay si dhow ula shaqeynayaan qeybaha bulshada.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UM7KTl
via IFTTT

No comments:

Post a Comment