Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Musaveni oo khudbad dheer ujeediyay xildhibaanada cusub ee xisbigiisa NRM ayaa ka hadlay arrimo badan oo isugu jiray siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha dalka Uganda iyo kan qaarada Afrika, madaxwayne Musaveni ayaa khudbadiisi kusoo daray sababta uu ciidamada Uganda ugu diray Soomaaliya,wuxuuna yiri sidan.
Sababta aanu ugalnay Soomaaliya ugana mid noqonay AMISOM waxaa qayb ka ahayd inaanu caawino Ethiopia oo markaas la wiiqayey, madaxweyne Musaveni oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in hogaamiyaha Afrikaanka ahi looga baahan yahay inuu noqdo mid u adeega labada shay ee Afrika ubaahan tahay oo ah in la gaarsiiyo barwaaqoo iyo istaraatijiyad amniyadeed.
Aakhirkii sanadkii 2006 ayay ciidamo aad ufara badan oo Itoobiyaan ah gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka muhiimka ee Koonfurta soomaaliya,iyadoo Ciidamada Itoobiya ay muqaawamo xoogan kala kulmeen kooxo Islaamiyiin ah oo isbahaystay oo taageeero ka helaya shacabka gaar ahaan magaalada Muqdisho,waxaana dagaaladii dhexmaray ciidamadii Itoobiya iyo kooxihii Soomaaliyeed uu dhaliyay khasaare aad ubadan oo isugu jiray naf iyo maal iyo barakac,waxaana Ra,iisulwasaarihii Itoobiya ee waqtigaasi Meles Zenawi oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Addis Ababa ka hor intuusan amar kubixinin in ciidamadiisu kasoo baxaan Soomaaliya uu qiray in ciidan badan looga dilay Soomaalia isagoo markaas sheegay in ilaa 500 oo askari looga dilay dagaaladii muqdisho
Sida uu Musaveni khudbadiisa ku qiray ciidamada Uganda waxay Somalia utageen hiilo ay uhiilinayeen ciidamdii Itoobiya ee xiligaas ku cakirnaa Soomaaliya,inkastoo aysan arrintaasi itoobiya weli ka hadlin.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S3pLK0
via IFTTT
No comments:
Post a Comment