Tuesday, March 1, 2016

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay abaare 12:30 saqdii dhexe uu dagaal culus ka bilowday magaaladaasi, dagaalka ayaa la sheegaya inuu ka dhacay dhowr jiho oo magaalada ah, iyadoo dadka magaalada ay hurdada uga tooseen daryanka rasaasta fudud iyo tan culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dh/mareeb.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sarkaal horay uga soo goostay dowladda Soomaaliya, kuna biiray ururka Ahlu Sunna kaas oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne, balse ka goostay mardambe, waxaana la sheegay in dagaalka uu socday saakay aroortii hore, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.
Si dhab ah looma oga waxa sababay in dagaal xoogani uu xilli habeen bar ah ka bilowdo magaalada Dh/mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ilaa haddana lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in dadka rayidka ah ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalkaasi, maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21BTt0B
via IFTTT

No comments:

Post a Comment