Tuesday, March 7, 2017

Mareykanka oo Barnaamij Gantaalo Geeyey K/Koonfureed

Mareykanka ayaa barnaamijka difaaca gantaalaha ee THAAD ku daagureeyey dalka Korea-da Koonfureed, maalin kadib markii Korea-da Waqooyi ay tijaabisay afar gantaal oo saddex ka mid ah ay ku dhaceen meel 350 KM u jirta Japan. Sanaddii tagtay ayaa xukuumadaha Washington iyo Seoul ay isku raaceen in la dedejiyo difaaca gantaalaha ee la geynayo Korea-da koonfureed, sababo la xiriira tijaabooyinka xooggan ee gantaalaha iyo Nuclear-ka ee Korea-da Waqooyi ay waddo. Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Pacific-ga Admiral Harry Harris ayaa sheegay in ficillada daan-daanisga ah ee Korea-da Waqooyi oo ay ku jiraan tijaabooyinkii shalay, ay xaqiijinayaan muhiimadda go'aankii isbaheysiga ay gaareen sanadkii tagay ee barnaamijka difaaca gantaalaha ee THAAD lagu geynayo Korea-da Koonfureed. Harris ayaa sheegay in barnaamijka THAAD loo geeyey dalka Korea-da Koonfureed si loo looga dhabeeyo ballanqaadyada Mareykanka uu u sameeyey Korea-da Koonfureed, islamarkaana la difaaco ciidamada Mareykanka ee jooga gobolka iyo dhulweynaha Mareykanka intaba. Sida ay sheegeen Milatariga Korea-da Koonfureed, barnaamijka THAAD ayaa howl-gali doono ugu dhowaan bisha April ee soo socota.

from VOA http://ift.tt/2lYKF2v
via IFTTT

No comments:

Post a Comment