Monday, May 30, 2016

Warbixin Gaar ah: Maqaamka Siyaasadeed ee Muqdisho

Hoggaamiyayaasha dawladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maalintii labaad ku shiraya magaalada Muqdishu iyaga oo isku dayaya inay isla meeldhigaan faahfaahinta qaabka ay doorashadu sanandkan uga dhacayso Soomaaliya. Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee la sheegay in laga hadlayo ayaa ah xaaladda magaalada Muqdishu iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan wareegto ku sheegay in loo baahan yahay in Muqdisho ay wakiillo ku yeelato Aqalka Saree e baarlamanka, loona baahan yahay in hoggaamiyayaashu ay taasi ka wada hadlaan. Haddaba waxaan idiin soo gudbinaynaa qaybtii kowaad ee warbixino ka kooban laba qaybood oo aan kaga hadlayno maamulladii ay soo martay Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee xilligan. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Axmed Xasan Colaad.    

from VOA http://ift.tt/25tthUw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment