Hal qof ayaa ku dhaawacmay labo qarax oo maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada Muqdishu. Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa VOA u sheegay in labada qarax ay ka dhaceen jidka warashadaha. Qaraxa hore ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin cidamada AMISOM kuwaasi oo aan wax khasaare ah soo gaadhin. Qaraxa labaad ayaa goobjoogayaashu sheegayaan inuu ka dhashay miino la dhigay waddada dhinaceeda taasi oo dhaawac u gaysatay qof rayid ah oo watay baaskiil nooca loo yaqaan bajaajka.
from VOA http://ift.tt/2eeGn8s
via IFTTT
Friday, October 21, 2016
Labo Qarax oo Muqdisho ka Dhacay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment