Xaley waxa degmada Farmville ee gobolka Virginia lagu qabtey dood si weyn loogu jeex-jeexey qodobo lagu lafagurayo siyaasadda ee Madexweynimada Mareykanka ee Sanadkan diiraddu saararantahey. Waxa dooddu dhex martey Barasaab Mike Pence oo ah ninka uu Donald Trump u soo xushey inuu madexweyne ku-Xigeen u noqdo iyo Senator Tim Kaine oo ah mudanaha ay Hillary Clinton u xulatey inuu Madexweyne ku-xigeen u noqdo. Labad nin ee doodu dhex-martey waa siyaasiin roog-cadda ah, markii la isku soo xooriyo, waxa mid walba uu aad iskugu dayey inuu difaaco qofka uu madexweyne ku xigeenka u yahey. Haddaba wariayaha VOA Maxamaed Colaad Xasan ayaa Madax Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow oo dooddii xaley ku daawadey aqalkiisa ku yaal gobolka Virginia ee dooddu lagu qabtey ka wareystey sida ay dooddu u dhacdey.
from VOA http://ift.tt/2dez7Uq
via IFTTT
Wednesday, October 5, 2016
Fallanqeyn: Doodii Tim Kaine iyo Mike Pence
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment