Thursday, September 22, 2016

Kenya: Al-Shabaab oo Weeraray Saldhig Booliis

Laba ka mid ah booliska dalka Kenya ayaa la la'yahay ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gelinkii hore ee maanta saldhig ay booliska Kenya ku leeyihiin meel ku dhow Liboy, xadka ay labada dal wadaagaan. Maleeshiyada Al-Shabaab oo wata baabuur ayaa weeraray saldhigga iyagoo dagaal la galay askartii saldhigaasi ku sugneyd. Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa arrintan ka wareystay wariyaha VOA-da Waqooyiga Bari Kenya uga soo warrama Maxamed Faarax Shire.    

from VOA http://ift.tt/2cYVzk7
via IFTTT

No comments:

Post a Comment