Monday, February 29, 2016

Safar uu dalka Sweden uu ku tagi lahaa madaxweynaha Soomaaliya oo la joojiyey iyo faahfaahino kala duwan oo ka soo baxaya sababta loo joojiyey

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti,kadibna uu dib ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dedaalada dowladda soomaaliya ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhawaan ka dhaceen weeraro kale oo kala duwan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016,booqashadaasi oo looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Sweden.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha,waxaa Madaxweynaha u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra'iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, iyagoo kawada hadlilahaa xaaladda dalka soomaaliya gaar ahaan horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale sida qoraalka lagu sheegay.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood, isagoo xusay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tagi doono dalka Sweden.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UvLbC6
via IFTTT

Dowladda Kenya oo baaq ku aadan arrimha Somaliya u dirtay beesha caalamka iyo dalalka ay ciidanka ka joogaan

Wasiiradda gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa ku baaqday in ciidamada dowladda Soomaaliya la qalabeeyo lana xoojiyo qaab dhismeedkooda si bey tiri ay ula wareegaan ammaankooda deegaanada Al-shabaab laga qabsado, waxayna warkan haweenaydan ka shegtay shirkii wasiirada arrimaha difaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka dhacay dalka Jabuuti.
Wasiiraddu waxay tilmaamay inay muhiim aheyd in dib loo eego wax ku oolnimada howlgalka AMISOM iyo in la dejiyo shaxda dhabaha la hiigsanayo, sidoo kale wasiiraddu waxay tilmaamtay in loo baahanyahay in si buuxda loo qalabeeyo milliteriga iyo booliska Somaaliya si ay isku ilaaliyaan, isla markaana ay la wareegaan ammaanka deegaanadda ay ciiddanka AMISOM kala wareegaan Al-shabaab.
Waxay kaloo sheegtay in loo baahanyahay qaab dhismeedka maamulo xoogan si hubaal looga dhigo horumarinta iyo deganaanshaha bulshada, waxay soo hadal qaaday doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya, waxayna sheegtay inay AMISOM sugi doonaan ammaanka muddada ay socdaan doorashooyinka, si aysan doorashooyinka u carqaladeynin Al-shabaab iyo ciiddanka kale ee aan la ogoleyn.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1neR88W
via IFTTT

Axmed Madoobe: Waa in xarumaha ay ilaaliyaan AMISOM laga qaado, ciidanka Soomaalida lagu wareejiyo

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha ammaanka ee dalka iyo qaraxyadii doraad ka dhacay magaalada Baydhabo, Axmed Madoobe ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ammaanka uu faraha ka sii baxayo, isagoo ku dhaliilay in Soomaalida qeyb ka yihiin, maadaama ay ku tashadaan keliya Ciidan shisheeye.
"Arrinta amniga maalmahan aad ayuu hoos ugu sii socdaa, dhibka inta badan Soomaalida ayaa leh, waayo ciidamo shisheeye baan wax ka sugnaa, waxaa la rabaa in la abaabulo ciidanka Soomaliyeed, waana inay isku tashtaan oo ay xisaabtamaan" ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya xarumaha dowladda iyo xarumaha kale ee maamul goboleedyada laga qaado, laguna wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, si la isugu tashado, isla markaana amniga uu ka bilowdo iyaga .
"Waxaa talo ahaan u soo jeedinayaa in Ciidamada AMISOM ee waardiyeynaya xarumaha muhiimka ah laga qaado, gaar ahaan ha laga bilaabo Villa Somalia, in ciidan Soomaaliyeed oo dhisan lagu wareejiyo, waxaa u baahanahay waa amni oo dib loo xisaabtamo, lana isku tashado.
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ku dhaliilay beesha caalamka inay ka gaabinayaan dhismaha ciidan Soomaaliyeed, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada inay amniga dib looga fikiro, ciidamada Soomaaliyeedna la howl geliyo.
Mar uu ka hadlayay weerarkii Baydhabo ayuu sheegay inuu ahaa mid shacab aan waxba galabsan oo ciyaar daawanayay lagu xasuuqay,wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya "Shalay Baydhabo xasuuq ayaa ka dhacay, dad ciyaaro daawanayey ayaa la qarxiyay, nimankaan waa cadow, si toos oo cadawtinimo leh in loola dagaalamo ayaa la rabaa, laakiin dhibka na heysta wuxuu yahay qabyaalada ,maanta markii kii nin Shabaab ah la soo qabto reer hebel waaye iyo cudur daar lagu sii deynayo ayaa la sameynayaa, markii uu ku dilayo reer ma ahan arxan ma lahan, marka la qabtana reer iyo qabiil ayaa la rabaa in lagu sii daayo"ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ugu dambeyn hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo shirkii ka dhacay Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkiisa jaraa'id uu diirada ku saaray xaalada amniga dalka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UvL8pS
via IFTTT

Wasiirka amniga iyo taliyaha NISA oo markale ka baaqday inay hortagaan baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo laamaha amniga ugu baaqay…

Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa markii labaad shalay ka baaqsaday inay hortagaan Baarlamaanka Soomaaliya oo sugayay inay su'aalo ka weydiiyaan arrimaha ammaanka dalka iyo tacadiyo loo geystay xildhibaanno ka dhoofayay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xildhibaano mooshin keenay Baarlamaanka ayaa ka dalbaday guddoonka inay hor yimaadaan Baarlamaanka wasiirka iyo taliyeyaasha NISA iyo Booliska, laakiin fadhigii ugu danbeeyay waxaa cudurdaar u diray wasiirka Amniga oo sheegay inuu Baarlamaanka tegi karo wixii ka danbeeya 25-ka Febraayo, taasoo haddana shalay baaqatay,inkasta oo uu balanqaaday inuu maanta oo talaado ah hortayo baarlamaanka.
Wasiirka amniga ayaa shalay markale qoraal u diray baarlamanka, isagoo ka cudurdaartay inaysan imaan karin Baarlamaanka isaga iyo taliyeyaasha oo ay leeyihiin shirar dhinac amniga ah. basle 1-d bisha maarso oo maanta ku began ay hor imandoonaan Barlamaanka,waxaana sidaasi Baarlamaanka u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shirka guddoominayay.
Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka 2-aad Baarlamaanka Somaliya, Mahad Cabdalla Cawad, oo ka hadlay hadal ka soo yeeray wasiirka amniga oo sheegay in baarlamaanka ay ka sugayaan inuu ansixiyo shrciga la dagaalanka waxa loogu yeero Argagisada ayaa laamaha ammaanka ugu yeeray inay adeegsadaan Xeerka Ciqaabta Somaliyeed, illaa iyo inta uu baarlamaanku go'aan ka gaaraayo sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.
"Xeer ciqaabta Somaliyeed wuxuu qabaa qodobo badan oo lagula dagaalamo argagaxisada, inta sharciga la dagaalanka argagaxisada uu baarlamaanka ka soo dhammaanayo, waxaa laga rabaa Wasaaradda amniga inay adeegsato xeer ciqaabta Somaliyeed" ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1neR1uh
via IFTTT

Shariif Xasan oo baaq u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, kana dalbaday inay…

Hogaamiyaha maamulka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay gurmad deg deg ah la gaaraan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo, Shariif Xasan ayaa xusay inay jiraan dad aan waxba looga qaban karin isbitaalada Baydhabo, loona baahanyahay in kaalmo caafimaad oo dibadda ah loo qaado si loo baxnaaniyo.
"Naftood haligayaal ah ayaa dadka haligay, dhibaato badan ayeyna geysteen, waxaa ka codsaneynaa dowladda iyo caalamka inay si degdeg ah loogu soo gurmado dadkii dhibaatada soo gaartay, gaar ahaan kuwa aan waxba halkan looga qaban karin" ayuu yiri Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa sheegay inay adagtahay in qof raba inuu is qarxiyo in laga hortago, hase ahaatee waxa uu xusay inay socdaan qorshayaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo deegaanada gobolada dalka, Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxyadaas, isla markaana la beegsaday saraakiil iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UvL49Q
via IFTTT

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo la kulmay madaxa fulinta diyaaradda Turkish Airlines, kalana hadlay…

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa'uud Aweys ayaa soo bandhigay bartiisa Facebook kulan gaar ah oo dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas'uul ka tirsan shirkadda Turkish Airline, madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha guddiga fulinta ee shirkada duulimaadyada dalka Turkiga, waxayna ka hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan duulimaadyada Turkish Airline ku timaado magaalada Muqdisho.
Kulanka oo muddo socday ayaa u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Temel Kotil oo ah gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkada Turkish Airline, waxyaabaha ay diirada ku saareen kulankooda ayaa waxaa kamid ah sidii Turkish Airline u xoojin laheyd duulimaadyada ay ku timaado dalka Somaliya ayna u kordhin laheyd xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VO2H32
via IFTTT

Sunday, February 28, 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan degdeg Muqdisho kula yeeshay golaha wasiirada iyo taliyaasha ciidamada

Shirka deg deg ah oo ay isku yimadeen xubnaha golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya loogana hadlayey dar-dar galinta aminga dalka iyo sida wax looga qaban lahaa weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkii xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaliya ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kale ay kulanka ka qayb galeen taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabdsugida iyo guddiga amniga qaranka, iyadoo sida la sheegay warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka iyo qaraxyada ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobolada Banaadir iyo Bay.
Shirka golaha Wasiirada ee xukumadda Soomaaliya oo qaatay saacado badan ayaa lagu go'aamiyey in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal balaaran oo lagula dagaalamayo Al-shabaab, kaas oo ay horumuud ka noqoyaan Madaxda sare ee dalka sida warka lagu yiri.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo Al-Shabaab sida uu yiri, wasiika warfaafinta ayaa tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu gumaaday dad shacab ah.
Madaxweyne xasan sheikh oo shalay shir uga qeybgalay dalka jabuuti ayaa si deg deg gabaldhicii xalay dalka dib ugu soo laabtay,iyadoo markii hore lagu waday inuu socdaal ku tago dalka Sweden uu ka helay martiqaad,lamana oga inuu safarkii uu tagilahaa Sweden uu baajiyey iyo inuu waqti kale u ambabaxayo.
dhinaca kale ra,iisulwasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke ayaa isna shalay dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgalay shirkii arrimaha soomaaliya ee dhacay dalka turkiga ,sidoo kalena uu dalka giriigga kula soo kulamay madaxda dalkaasi kuwaas oo aan la faahfaahin waxyaabaha ay kawada hadleen



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21uLiTK
via IFTTT

Baarlamaanka Soomaaliya oo laga codsaday inay meelmariyaan sharciga la dagaalanka argagixisada si loo…

Wasiirka amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Axmed ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, si looga hortago falalka qaraxyada ah ee ay Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in sharciga la dagaalanlka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaaladda la meel mariyo, si ciidamada ay awood buuxdo ugu yeeshaan ciriibtirka Al-shabaab.
"Baarlamaanka Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay meelmariyaan sharciga la dagaalanka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaaladda" ayuu yiri Wasiirka Amniga, xeerilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidamada ay dabranyihiin dhankasta, loona baahanyahay in baarlamaanku uu meel mariyo sharciga la dagaallanka argagixisada, si ciidamada ay u gutaan waajibaadka loo idmaday.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RyZGCk
via IFTTT

Faahfaahin ku saabsan 6 ruux oo usbuuc gudihiis lagu dilay magaalada Boosaaso iyo culimada magaalada oo ka hadashay

Maggaalada Boossaaso ayaa Malmahan waxaa ku soo batay Dilalka loo Adeegsado Toorayda oo ka dhaca xaafadaha kala duwan ee Magaalada, iyadoona Dadka la dilay ay wad ahaayen dhalinyaro dadoodu u dhaxayso 18 ilaa 20 sano jir
Bulshada Boossaaso ayaa xilliga habeenkii cabsi xoogan soo wajahday iyadoona Meheradaha Xiraaya Xili Hore oo fiidkiiya si ay Xaafadahooda u tagaan ugana Nabad galaan Dadkaasi Tooreeyada Wax ku dilaaya ee ilaa hadda wax laga qaban la,yahay falalka ay geysanayaan
Sida warku sheegayo Tirada Dadka la Dilay ee aan la aqoon cida Dishay ayaa kor u dhaafaysa ilaa 6 ruux oo xaafada kala duwan ee Magaalada Boossaaso lagu dilay ,iyadoo dadweynaha magaaladu ay sheegayaan in falalkaasi dilka ah ay geystaan kooxo u badan Dhalinyaro Mopelada Furta Habeenkii.
Culimada magaalada boosaaso ayaa si kulul uga hadleen Arrinta la xiriirta kooxaha midiyaha ku hubeysan ee dilalka iyo dhaca ka geysaneysa gudaha magaalada Boosaaso waxayna eeda dusha ka saaren Ciidamada u xil saaran ilalinta amniga shacabka gaar ahaan kuwa ka howlgala boosaaso,waxayna ugu baaqeen culimadu maamulka boosaaso in deg deg arrintaasi wax looga qabto.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21uLhiG
via IFTTT

Tarsan: Waa Mas’uuliyad laga cararayo in amniga Muqdisho lagu wareejiyo mamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dhaliilay qaabkii gobolka Banaadir loogu wareejiyay Amniga Caasimada, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aan dastuuri aheyn, Tarsan oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in aanay is qabin karin in Hey'addaha Amniga ay wareejiyaan Mas'uuliyadii saarneyd iyo inay awooda heystaan, taasoo uu ku tilmaamay in aanay aheyn arrin socon karta.
"Arintaas dastuuri ma ahan, dariiq loo soo maray oo sharci ah ma ahan, waxay rabaan Mas'uuliyaddii saarneyd ayey hay'adaha Amniga iska wareejinayaan, waxayna rabaan inay awoodiina ay heystaan, arrintaasna ma ahan mid socon karto" ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.
Mr. Tarsan ayaa cadeeyay in Gobolka Banaadir aanu xilligan u diyaarsaneyn dhinaca Amniga, isla markaana go'aanka la gaaray uu yahay mid si fudud loo gaaray.
"Gobolka Banaadir uma diyaarsana, Guddoomiyaheedana uma diyaarsana, nin amni ma ahan, waxay u muuqataa arrin Mas'uuliyadeeda laga faraxalanayo oo la rabo in Mas'uuliyada Amniga Ummadan in meel kale loo saaro, Amniga Qaranka waxaa Mas'uul ka ah Hey'adaha Amniga, iyagaa loo tababaray, loo maalgeliyay, loona qalabeeyay, marka inay dhahaan si fudud ayaan isaga wareejineynaa markii dhowr fashil dhacay, waxay doonayaan inay dhahaan annaga yaa nala weydiin, wixii dhaca, waa fakasho Mas'uuliyad lagala cararayo"ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa kula taliyay Mas'uuliyiinta Hey'adaha ammaanka in haddii ay rabaan inay Mas'uuliyada amniga wareejiyaan inay istiqaalad dhiibaan oo ay is casilaan.
"Dalka oo dhan kama shaqeeyo, Hey'adaha Amniga meesha ay joogaan oo ay ku howl galaan waa Muqdisho, markaa haddii ay maanta dhahaan Muqdisho ayaan ka tagaynaa, gobol kale ayaan aadaynaa waxay la mid noqoneysaa sheekadii aheyd waan soconweynaye aan orodno"ayuu yiri Tarsan.
Mar la weydiiyay in xilligii uu xilka hayay inuu dalbaday in Laamaha Amniga Gobolka Banaadir la hoos-keeno ayuu xusay inuu horay u rabay in wada shaqeyn dhanka Amniga lagala shaqeeyo, balse Wasiirkii Amniga ee xilligaas iyo Taliyeyaashii Ciidamada ay u qaateen in awoodooda uu la wareegayo.
"Aniga waxaa rabay wada shaqeyn, waxaan la'aa wax ila shaqeeyo, wax si joogto ah amniga iila garab-taagnaa ma jirin, marka dhahay aan wada shaqeyno ayay ii qaateen inaan shaqadooda qaadanayo, waxay i hordhigeen caqabado fara badan, Wasiirkii Amniga iyo Taliyeyaashii Amniga waxay is dhaheen ninkan awoodiina ayuu rabaa inuu qaato, anigana waxaan dalbayay inaan kawada shaqeyno Amniga magaalada"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tarsan.
Waxaa uu sheegay in hadii degmo kasta amnigeeda si gooni u sugan lahaayeen ay magaalada Muqdisho amni noqon laheyn, isagoo xusay in loo baahan yahay in bulshada degmo kasta amniga lagala shaqeeyo,hadalka hadda ka sooyeeray laamaha amnigana waxaan u arkaa in Mas'uuliyad laga cararayo, hadhowna meel kale loo saariyo wixii dhaca.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RyZCT9
via IFTTT

Kenya oo codsi gaar ah hordhigtay shirkii madaxda ay ciidamdu ka joogaan dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyey shirkii ay dalka jabuuti shalay ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya ayaa dalbadey in ciidamo xoogleh leh la isugu geeyo gobolka Gedo oo uu ku sheegay in al-Shabaab ay ka dhigteen gabbaad ay ku nabad galaan kana abaabulaan weeraradooda sida uu yiri ,wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale howlgalka AMISOM lagu soo biiriyo howlgal dhinaca cirka ah si buu yiri awood loogu yeesho goobtii dagaal ka dhaco loogu gurmado, sidoo kalena cirka looga weeraro Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxda AMISOM oo iyana shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loogu tala galay in ay ka qayb-qaataan dagaalada Al_Shabaab ka dhanka ah in aysan weli soo gaarin,gaar ahaan 12 diyaaradood oo Golaha Amaanku ogolaadey sanadkii 2012.
Hoggaamiyaasha shirka ku yeeshey Jabuuti ayaa sidoo kale kawada hadley, dhaqaalaha ku baxa ciidamadooda oo Midowga Yurub ka jarey 20%, waxay isku raaceen in aan waqtigan loo baahneyn dhaqaale la jaro marka la eego xaaladda Soomaaliya, taas oo hoos u dhigi karta howlgalka sida ay yiraahdeen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21uLbaP
via IFTTT

Qaraxyo khasaare fara badan geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo wasiir ku dhintay weerarkaasi

Ugu yaraan 20-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 48-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, mid ka mid ah labadan qarax ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Beder oo ku taalla bartamaha Magaalada Baydhabo taas oo la sheegay inuu isku Qarxiyay ruux ay waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen.
Sidoo kale, Qaraxa kale ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha Shirkadda Dahab-shiil ay ku leedahay Degmada Baydhabo, halkaas oo ay dad badan ku sugnaayeen xilligaas, kaasoo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista iyo dhaqan celinta ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Ibraahim.
Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu ku jiray dadkii ku dhintay weerarka uu fuliyay ruuxii isa soo miidaamiyay kaas oo lagu qaaday maqaayad ku taallay bartamaha magaalada baydhabo oo lagu magacaabo beder, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in dadka dhintay ay ku jireen qaar ka mid ah ilaalada madaxtooyada maamulka K/galabeed iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah magaalada Baydhaba.
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in labada weerar ay ahaayeen kuwo dhibaato xooggan geystay, islamarkaasna uu ka dhashay khasaare aad u badan.
Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadii shalay gabaldhicii ka dhacay magaalada Baydhabo , waxayna sheegeen in weerarkaasi ku dileen Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo , waxa ay Kooxda sheegatay in weerarkaasi ku dileen Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RyZzXF
via IFTTT

Saturday, February 27, 2016

Danjire Afey: Soomaaliya waxaa burburiyey Soomaali kale, laguma eedayn karo Kenya iyo Itoobiya

Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya aan lagu eedeyn karin dowladaha Deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya,balse ay soomaalidu iyadu mas,uul ka tahay waxa ka dhacaya dalkooda, "Intii dalalka deriska iyo Ajnabiga la eedi lahaa, waa inay Soomalidu eedo madaxdeeda, burburka Soomaaliya waxaa isu keenay Soomali, waayo waxa isdilay waa soomaali,waxa burburiyey ciidamadii dowladda soomaaliya ee qabill qabiil ka dhigay waa Soomaali" ayuu yiri Mudane Afey oo difaacay dowladaha deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya oo lagu eedeeyo inay faragelin ku hayaan Somaliya.
Haddii ay jirto hanti badbaaday halka ay ku badbaaday waa dalalka dariska ,haddii la qaxay halka lagu qaxay waa dalalka dariska ,hadda waxa ciidamada u diray soomaaliya ee dhiiggoodu ku daadanayo waa dalalka dariska ah markaa yaan la eedeynin dalalka dariska ah ee soomaalidu iyadu ha is eedeeyeen,hala xisaabtameen madaxdooda,waxaa loo baahan yahay in la helo dowlad shaqeysa oo soo celisa nidaamkii dowladnimo ee soomaaliya ayuu yiri Maxamed Cabdi afeeyey.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LN2aZs
via IFTTT

Dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo shir uga furmay dalka Jabuuti, kana hadlaya sidii…

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka ka jooga ciidamadooda Soomaaliya ayaa shir uga furmay dalka Jabuuti, kaas oo looga hadlayo xoojinta la dagaallanka argagixisada ah, kulanka oo uu shir guddoominayey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ammaan ee Soomaaliya iyo sidii wadamada uga qeyb qaadan lahaayeen dar dargelinta dagaalada lagula jiro argagixisada Al-shabaab.
Wasiirka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qarixii habeen hore ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad u badan shacab iyo ciidankii naftooda u huray inay ka difaacan duulaankii Al-shabaab, waxaana ay ka tacsiyadeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.
Dhanka kale wasiirada difaaca ee wadamada ay ciidamada ka soo joogaan Soomaaliya ayaa shir ku leh dalka Jabuuti, kaas oo uu shir guddoominayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Jabuuti, waxaana uu qeyb ka yahay shirarka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya.
Wasiirka difaaca ee dalka Nigeria ayaa tilmaamay in dhankooda ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamado hor leh oo qeyb ka noqdo howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si dib loo soo celiyo guud ahaan ammaanka Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QPskST
via IFTTT

Dekedda Berbara oo qeyb laga siinayo dowladda Itoobiya iyo wasiiro ka socda Itoobiya oo Berbera tagay

Maamulka Somaliland iyo wafti ka socda dalka Ethiopia ayaa shalay dekedda Berbera wada jir uga dhagax dhigay barxad ay yeelan doonto dekedda Berbera oo gaar u ah qalabka iyo badeecada kala duwan ee dowladda itoobiya kala soo degayso dekedda Berbera, dhigax dhiga dhulkaasi iyo dayr lagu wareejin doono ayaa qayb ka ah wada hadalkii 4-aad ee Somaliland iyo Ethiopia dhex mara oo ka furmay shalay magaalada Berbera,waxaana kulankaasi oo soconaya 3 maalmood lagu wadaa in lagu soo gabogabeeyo wadahadallo u socday labada dhinac sanadihii la soo dhaafay.
Somaliland ayaa sheegtay inay isha ku hayso sidii dalka Itoobiya oo dad ku dhaw 90 Milyan ku nool yihiin wax ugala soo degilaheyd dekedda Berbera,waxayna labada dhinac ay sanadihii u dambeeyay ka wada hadlayeen heshiis lagu casriyaynayo dekedda Berbera laguna dhisayo jidka isku xira Ethiopia iyo Berbera, mashruucaasi oo la yiraahdo Berbera Coridor.
Dhinaca kale safiirka Itoobiya u qaabilsan ganacsiga dibadda Ambasador Salebaan oo weftiga itoobiya ka socda hoggaaminayay ayaa tilmaamay muhiimadda xiriirka labada dhinac ee Somaliland iyo itoobiya iyo heshiiska socda waxaana uu yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya"Waxaanu halkan u joognaa dhagax dhigga Dayrka muhiimka ah ee Kaargooga Itoobiya. Muhiim uma aha oo kaliya dekedda laakiin waxay muhiim u tahay xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxay sidoo kale ka turjumaysaa xiriirka wanaagsan iyo horumarka wada jirka ah iyo iskaashiga ammaanka gobolka kaliya maaha labadeena dal ee gobolka oo dhan" ayuu yiri ambasadorku.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LN2cAD
via IFTTT

C/weli Gaas: Puntland qayb kama noqon doonto go’aamo lagu burburinayo danta shacabka Somaliyeedm wayna…

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa markale ka hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5, wuxuuna difaacay go'aanka Puntland arrintaasi ka istaagtay isagoo dhaliilay ku noqoshada habkaas, C/weli Maxamed Cali oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa nidaamka la sheegay in doorashada 2016 lagu salayn doono ku macneeyay qaab horey loo soo dhaafay isla markaana aan xal u ahayn shacabka Somaliyeed sida uu yiri.
Mar wax laga weydiiyay sababta Puntland ugu dhagantahay deegaanka waxa uu sheegay inaysan dan gooni ah kala heyn, balse tahay nidaamka kaliya ee la qaadan karo maadama suurtoobi wayday hal qof iyo cod, wuxuuna meesha ka saaray in Barlamanka Puntland lagu soo doorto qabiil isagoo taa badalkeeda xusay inay ku yimaadeen qaab deegaan sida uu yiri.
Madaxda dalka, ayuu xusay inay mas'uuliyad ka saarantahay danta shacabka, wuxuuna sheegay inaysan Puntland qayb ka noqon doonin go'aamo lagu burburinayo danta shacabka Somaliyeed.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas, ayaa walaac ka muujiyay ururada xagjiriinta ah ee kusugan deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha Gal-gala, wuxuuna sheegay inay si gooni ah ula soconayaan dhaq-dhaqaaqyadooda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QPshXg
via IFTTT

Dagaal culus oo xalay ka dhacay xerada Maslax ee duleedka xaafadda Suuqa xoolaha

Dagaal11Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay xero Maslax oo ku taala duleedka xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa,waxaana sida warku sheegayo uu dagaalkaasi u dhaxeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda soomaaliya oo fariisimo ku leh deegaanka maslax iyo kuwa Al-shabaab.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen xeryo ay deegaanka maslax ku leeyihiin AMISOM iyo ciidamada dowladda soomaaliya ,kadibna uu halkaasi ka dhacay dagaal ka fool fool ah oo muddo socday.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada,iyadoo labada dhinacba ay adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud,ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inta uu la egyahay,sidoo kalena lama oga in waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi, iyadoo dhinaca kale aysan labada dhinac ee dagaalku dhexmaray aysan weli ka hadlin dagaalkii xalay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LN26cj
via IFTTT

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in si qalad ah loo tarjumay wareysi uu bixiyey oo ku aadanaa ciidamadii Kenya ee lagu laayey Ceelcadde

War saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbaahinta ay si qalad ah u tarjumeen wareysi uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh talefishinka Somali Cable kaasoo uu ugaga hadlayay arrimaha weerarkii ka dhacay Ceel Cadde bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.
"Tirada madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay ciidamada dalka Kenya weerarkii Ceel Cadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas kusugneyd saldhigga ciidamada."ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo luqada Englishka ku qornaa.
Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Wareysiga uu siiyay Tvga Soomaliyeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku difaacayay go'aankiisa ahaa inuu shacabka Kenya kala qeybqaato baroordiiqdii ay u sameynayeen geesiyaashii ugaga dhintey Ceel Cadde, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa hogaamiyaal u tegey dalka Kenya aaskii loo sameeyay askartii ugaga dhimatay ciidamada Kenya weerarkii ay Alshabaab kuqaadeen saldhig ay ku lahaayeen gobolka Gedo.
War saxaafadeedka ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha ayaa lagu soo gunaanaday hadal ah"Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in ay ku taageeraan dowladda Kenya howlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidamada AMISOM,waxana aan la qeybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku soo qaadeen Ceel Cadde".
Dhawaan ayaa shabakadaha caalamka waxa ay qoreen in wareysi uu siiyay taleefishin afka Soomaaliga ku hadla Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sheegay in tirada ciidamada Kenya ugaga dhintey weerarkii Ceel Cadde ay u dhexeyso 180-200 oo askari.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QPsfyK
via IFTTT

Friday, February 26, 2016

Axmed Madoobe oo beeniyay in duqeyntii diyaaradaha Kenya shacab ku dhinteen iyo xildhibaano sheegay in mooshin ka dhan ah duqeymaha Kenya ay horgeynayaan

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa beeniyay warar qaar kamid ah saxaafada Soomaalidu aad u qaadaa dhigtay isbuucyo dhawayd oo ku saabsanaa in diyaaradaha Kenya dad shacab ah ku laayeen gobolka Gedo.
Madaxweyne Axmed madoobe oo wareysi siiyay wariye telefishinka Somali cable ayaa wararka sheegaya in diyaaradaha Kenya shacab ku xasuuqeen gobolka Gedo ku tilmaamay been iyo borobagaando isagoo xusay in dagaal ka dhacay Ceelcade ay ku dhinteen 3 ruux iyo 4 xoolo sida uu yiri.
Axmed madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay haddii lasoo cadeeyo in diyaaradaha Kenya shacab ku xasuuqeen gobolka Gedo uu isagu masuuliyada qaadayo sida uu yiri.
Dhinaca kale xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah duqeymaha ay dowladda Kenya kawado gobolka gedo mooshinkaasi oo ay sheegeen inay horgeyndoonaan baarlamaanka soomaaliya
Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore ayaa u sheegay qaar kamid ah warbaahinta gudaha in dhawaan ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin ka dhan ah duqeymaha ay dadka rayid ah ee gobolka gedo u geysanayaan diyaaradaha Kenya ,wuxuuna intaasi ku daray in uu dhageystay hadalada mas,uuliyiin ka tirsan gobolka gedo oo xaqiijiyey duqeymahaasi loo geysanayo dadka shacabka ah eek u nool gobolka gedo arrinataasina ay tahay mid aan laga aamusi karin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1oFDoFu
via IFTTT

Duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday masaajid ku yaala mid ka mid ah gobolada Soomaaliya iyo khasaare ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu ka soo baxayaan weerar dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha Kenya shalay ku qaaden deegaano hoostaga gobolka Gedo, duqeynta ayaa inta badan waxaa lala bartilmaameedsaday masaajid ku yaala deegaanka Tuulo-Barwaaqo oo u dhow degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.
Nuur Siyaax Xareed oo ah afhayeenka maamulka gobbolka Gedo ayaa sheegay in diyaaraduhu ay dhulka dhigeen masjidka, ayna laayeen dadkii ku dukunayey, Nuur Siyaax Xareed waxa uu xaqiijiyay in duqeymaha Kenya ay xadka dhaafeen, isla markaana ay marayaan in la duqeeyo goobaha cibaadada Alle.
Nuur Siyaax waxa uu sheegay in duqeymaha dhacaayey ay galaafteen nolosha dadbadan, balse ma uusan sheegin tiradooda, diyaaradaha Kenya ayaa Sedexdii maalin ee ugu danbeysay gobolka Gedo kawaday duqeymo muujinaaya in dadka ku nool gobolka Gedo uusan jirin cid u danqaneysa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1KRKSQa
via IFTTT

Dowladda Kenya oo si caro leh uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya, sheegtayna inuu bannaanka keenay wax ay…

Dowladda Kenya ayaa si caro leh uga jawaabtay hadal ka soo yeeray madaxweyna Soomaaliya oo sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen bil ka hor deegaanka Ceel-cadde lagu dilay ciidamo ka badan 180-askari oo Kenyaan ah, waxaana warkaasi si caro leh uga hadashay dowladda Kenya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay warkaasi.
Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa beeniyay hadal ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay afhayeenku in madaxweynaha Soomaaliya warkiisa uu yahay mid aan xaqiiqa ku fadhin, isagoo xusay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo la iska yiri sida uu hadalka u dhigay.
"Haddii aynu nahay Kenya weligeen saxaafadda kalama hadlin tirada ciidamada nalooga dilay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, waayo haddii aan sheegno tirade cid kasta way dhibi laheyd wayna ka argagixi laheyd oo saameyn weyn ayey ku reebi laheyd, marka ma aheyn in madaxweynaha Soomaaliya uu sidaasi u hadlo, warkiisana waa waxba kama jiraan la dhoodhoobay" ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya David Obonyo.
Afhayeenka ayaa sidoo kale yiri "Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku jiraa kooxda Al-shabaab iyaga ayuu garab siiyey, wuuna naga hiiliyey, tirada uu sheegay waa wax ka baxsan ciidankii deganaa Ceel-cadde, tirada uu sheegay maba deganeyn xeradaasi".
Si kastaba Kenya ayaa diiday inay shaaciso tirada rasmiga ah ee looga dilay ciidankooda weerarkii Ceel-cadde, waxayna sababta ku sheegeen inay ilaalinayaan in haddii ay sheegayaan uu saameyn ku yeesho hadalkooda qalbiyada shacabka Kenya, taasina ay keentay inay diidaan sheegashada tirade looga dilay Ceel-cadde.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S7IUfX
via IFTTT

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo arrimaha Soomaaliya kala hadlay dhiggiisa dalka Kuwait

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan {Jawaari} oo magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qeyb galay shirka madaxda Baarlamaannada Waddamada Carabta ayaa kulan la qaatay shalay dhiggiisa dalka Kuwait, kulanka ayey labada guddoomiye uga wadahadleen xiriir, iskaashi iyo wada-shaqeyneed oo dhexmarta baarlamaanada Soomaaliya iyo Kuwait kaas oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay shacabka labada dal.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kuwait, Marzouq Ali Alghanim ayaa bogaadiyay Guulo uu sheegay inuu ku Tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Shuruucdii u dambeysay ee uu baarlamaanka Soomaaliya Ansixiyey; sida Sharciga Maal-gashiga shisheeye iyo ka hor taga lacag dhaqida, wuxuuna xusay in diyaar uu u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhankiisa Tilmaamay inuu diyaar u yahay in Wada-shaqeyn iyo iskaashi dhex-maro labada baarlamaan, isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay dhiggiisa sida uu u bogaadiyay howlaha uu dadka Soomaaliyeed u hayo baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Guddoomiyeyaasha labada dal ee soomaaliya iyo kuwait ayaa Qalinka ku Duugay heshiis wada-shaqeyn iyo wax-wada-qabsi ah oo labada dhinac dhexmara iyadoo Jawaari uu ka guddoomay dhiggiisa Kuwait Casuumaad gaar ah oo uu u fidiyay, taas oo uu ku booqanayo dalka Kuwait, inkastoo aan la shaacin waqtiga ay dhaceyso booqashadaasi.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1n3qLTu
via IFTTT

14 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka Somaliland

Shil aad u naxdinbadanaa, isla markaasna geystay khasaare baaxad leh ayaa shalay oo jimce aheyd ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Gabiley iyo tuulada Kalabaydh ee Waqooyi Galbeed, maamulka Somaliland,waxaana shilkaasi ku dhintay 14 ruux, halka 9 ruux oo kale ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Shilkaasi ayaa ka dhshay Laba gaari oo midna yahay nooca loo yaqaan Noah midnba yahay Lan Curiser ayaa isku dhacay, kadib markii ay si kedis ah isugu soo galeen goolad ama casrad iyagoo xoog ku socda,kadibna ay is dhexgaleen ayna burbureen,waxaana la sheegay in dadka ku dhintay shilkaasi ay isugu jireen rag iyo dumar,iyadoo ku dhaawaca noqday qaarkood la sheegay in dhaawacoodu uu halis yahay ama culus yahay
Sida warku sheegayo Labada gaari ayaa waxaa saarnaa isku dar dad ka badan 25 ruux,iyadoo la sheegayo in Gaariga nooca Noah looyaqaano oo dad badan siday uu ka baxay magaalada Hargeysa, uuna kusii jeedey Wajaale,halka gaariga kale oo lagu sheegay Lan Curiser uu ku siijeeday magalaada hargeysa inkastoo aan la sheegin halka uu ka yimid kaas oo sida la sheegay isna ay saarnaayeen dad kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S7IR3P
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyay weeraro ismiidaamin ah oo xalay ka dhacya magaalada Muqdisho iyo khasaare xoogan oo ka dhashay

Ugu yaraan 20-ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa ku Geeriyooday, tiro kale oo intaasi k badanna waa ay ku dhaawacmeen Qaraxyo iyo Iska-horimaad Fiidnimadii xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo Mas'uuliyadooda ay sheegatay xarakada Al-shabaab.
Qaraxa hore ayaa ahaa baabuur weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo ahaa mid aad u xooganaa, waxaana qaraxa hore uu sababay bur bur dhismayaal ku yiilay wadada laamiga iyo dhimashada dad badan isagoo dhulka dhigay dhismayal badan oo ku dhow halka uu qaruxu k dhacay,waxaana dadka indhinya ka mid ahaa dhowr haween ah oo qaarkood ay yihiin kuwa nadaafadda iyo kuwo kale oo ka mid ah kuwa qaadka iibiya ,iyadoo sidoo kale ay halkaasi ku dhinteen ciidamo la sheegay inay joojiyeen gaariga qarxay kuwaas la sheegay inay joogeen bar kontorool oo ku taalla inta u dhaxaysa Hotelka SYL iyo Ex fiyoore halka looyaqaano.
Qaraxaasi ka dib ayaa la sheegay in weerar toos ah ay dhinac hotelka ku qaadeen 4-5 nin oo hubeysnaa kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab waxaana iska horimaad xooggani uu dhexmaray iyaga iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda iyo weliba ilaaladii hotelka SYL,iyadoo markii dambe ay ciidamadu sheegeen inay dileen kooxihii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale Qaraxa labaad ayaa dhacay 30 daqiiqo ka dib qarixii hore kaas oo ahaa gaari waxyaabaha qarxaahi saaran yihiin kaas oo la dhigay Maqaayadda Muno oo u dhow Beerta Nabada, waxaana ka dhashay isna dhimasho iyo dhaawac aan la ogeyn inta ay gaarsiisan yihiin,waxaana la sheegay in qarxaasi dambe uu saameeyey dadkii ku sugnaa halka loo yaqaano Beerta Nabadda oo ah goob loo dalxiis tago maalmaha jimcaha
Dhanka kale Ku dhowaad 30 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana intooda badan lakala dhigay Isbitaalada Madiina iyo Daaru-Shifa, qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay inay jirto dhimasho badan, hase ahaatee tiro sax ah ma sheegin, waxaana ay tilmaameen inay dad badan soo bad baadiyeen.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxyadii xalay ka dhacay muqdisho, isla markaana waxa ay sheegeen inay weerartay Hotelka SYL, waxayna Al-shabaab warbixin kooban oo ay soo saartay ku xustay inay Weeraradaan fuliyeen xoogaggooda ku sugan Muqdisho, iyagoo yiri, "Xoogaggeenna ayaa weerar la beegsaday Hotel SYL, waxayna gudaha u galeen Hoteelka", waxayna intaas ku dareen in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan.
Si kastaba ha ahaatee weeraradii xalay ayaa kusoo beegmaya iyadoo doraad Hoobiyeyaal lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley ayna ku Geeriyoodeen Shan ruux, kuwaasoo ay ku jireen kuwo isku Qoys ahaa, sidoo kale askar katirsan ciidamada ayaa weerarkaasi uu ka soo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1n3qMXq
via IFTTT

Wednesday, February 24, 2016

Puntland oo si adag u beeniyay hadal ka soo yeeray R/wasaare Sharmaake sheegtayna in qodobadii ka soo baxay shirkaasi aanu khuseynin iyaga

CameeyyMadaxweyne ku xigeenka ahna Ku simaha Madaxweynaha maamulka Puntland Eng C/xakiim Xaaji Cumar Camey oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay shirkii lagu soo gabagabeeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga loogana hadlayay xaalada doorashada Soomaaliya iyo halka ay u jihaysaneyso.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in aysan Puntland ka qeybgalin shirkaas, isla markaasna sidaas oo kale aysan aqbali doonin wax gor gortan ah oo ay ka gali doonaan arrimaha ku saabsan doorashada Soomaaliya, ku simaha madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in beesha caalamku aysan daacad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, ayna doonayaan in qolo gaar ah ay ku taageeraan sida uu yiri.
Madaxweyne kuxigeenku waxaa kale oo uu sheegay in wafdiga Puntland ee tagey ay u tageen oo kaliya ka qeybgalka arrimaha dhaqaalaha oo kaliya, balse aysan kaqeyb noqon Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo Ra,iisulwasaaraha soomaaliya uu warbaahinta u sheegay in shirkii istanbuul Puntland goob joog ahayd kaliyana uu ka maqnaa shirkaasi madaxweynaha puntland C/weli Gaas



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TGxW1X
via IFTTT

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tagaya dalalka Jabuuti iyo Sweden, kana hadlay maqnaashiyaha shirka ee Puntland

Madaxweynaha soomaaliya Xasan sheikh maxamuud oo ka qeygalay shirkii Turkiga ee lagu soogabagabeeyey magaalada Istanbul ayaa la sheegay inuu safari kale ku tagayo inta aanu dalka dib ugu soo laaban dalalka Jabuuti iyo Sweden,isagoo ku horeyn doona dalka jabuuti oo uu maalmaha soo socda uga qeybgalayo shirka ay yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya ,shirkaasi oo looga hadlayo dib uhabeyn lagu sameynayo qaabka ay u howlgalaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay dalalkaasi u taageerilahaayeen dhismaha ciidamo xooggan oo ayeelato dowladda soomaaliya ,islamarkaasna loo diyaariyo ciidamada dowladda sidii ay ula wareegilahaayeen sugidda ammaanka dalka marka ay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM.
Sida uu sheegay Afhayeenka madaxtooyada soomaaliya Daa,uud aweys Shirka Jabuuti kadib waxa uu madaxweynaha soomaaliya u safri doonaa dalka Sweden halkaasi oo uu ku tagi doono booqasho rasmi ah oo uu ka helay dowladda Sweden,waxaana la sheegay inuu kala hadli doono xaaladda dalka soomaaliya iyo sidii ay dowladda Sweden ay soomaaliya u siin laheyn taagro dhinacyo kala duwan leh inkastoo aan la shaacin taageeradaasi.
Dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya ayaa ka hadlay ka maqnaanshaha ay madaxda puntland ka maqnaadeen shirkii turkiga wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ay aad uga xunyihiin in Puntland ay shirakaasi ka maqnaato maadaama aan shirkaasi looga hadlaynin arrimo siyaasadeed oo cad kaliyana looga hadlay arrimaha horumarka iyo waxyaabihii ka qabsoomay balanqaadkii ay beesha caalmku siisay kal hore dalka Soomaaliya.
"Maqnaanshiyaha Puntland ee shirka waa sabab siyaasadeed dowladda fedeeaalka ah iyo caalamkuna waxay ku dedaalayaan in tabashooda la xaliyo puntland-na waan tageynaa waan la hadleynaa dabacan waa xubin ka tirsan dowladda Soomaaliya" ayuu yiri madaxweynaha soomaaliya oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in laga wadashaqeeyo waxa ay danta ummaddu ku jira.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20WoZ3O
via IFTTT

R/wasaare Cumar C/rashiid: Shirka Istanbuul guul ayuu ku dhamaaday, Puntland-na waan tegaynaa…

Ra'isal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa guul ku tilmaamay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo sheegay in waxyaabo badan la isla qaatay, lana fulin doono marka ay dalka ku laabtaan.
Mar uu ka hadlay maqnaanshaha madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay tegi doonaan Puntland oo wax loo mideysan yahay lagu dhaqaaqi doono ayna la furi doonaan wadahadalo la xiriira waxa ay tabanayaan
Dhinaca kale Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte ayaa isna ka hadlay in shirka lagu taageeray go'aanka qaabka doorashada 2016 ee dowladda federaalka ay qaadatay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TGxVv9
via IFTTT

Maamulka Somaliland oo sheegay in maamulka diyaaradda Turkish Airlines ay ka codsadeen inay Hargeysa ka shaqo bilowdo

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay sheegay in maamulka shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay ka codsadeen inay ka shaqo bilaabaan garoonka diyaaradaha Cigaal Airport oo ku yaala magaalada Hagreysa.
Agaasimaha wasaaradda duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland Cumar C/laahi Aadan ll Wareysi siiyey Wargeyska Dawan ee ku hadla afka maamulka Somaliland ayaa sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan maamulka shirkadda Turkish Airlines ay yimaadeen Hargeysa islamarkaana ay Maamulka kala hadleen sidii ay uga howl bilaabi lahaayeen garoonka diyaaradaha Hargeysa.
"Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airlines ay naga soo codsatay inay madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin Codsiga Turkish nooga yimid"ayuu yiri Cumar C/llaahi.
Shirkadda duulimaadyada Turkish oo Soomaaliya meeshii ugu horeysay ee ay ka shaqeyso ay tahay Muqdisho,walina ka Howlgasha ayaan ka hadlin Warka ka soo yeeray Soomaaliland oo ah in Turkish Airlines ay ka codsatay in Somaliland ay ka howl biloowdo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20WoYgq
via IFTTT

Guddoomiye: Jawaari oo khudbad ka jeediyey shirka madaxda Baarlamaannada Carabta, kana hadlay arrimaha Somaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} ayaa khudbad ka jeediyey shirka madaxda Baarlamaanada dowladaha Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, shirkan oo ka dhacaya xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira waxaa furintaankiisa khudbad ka jeediyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil Al Carabi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka carabta Ahmed Bin Mohamed Al-Jarwan waxaana labaduba ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen magaalada Qaahira Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta iyaga oo dhinaca kalena ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Baarlamaanada dowladaha carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Masar iyo jaamacadda carabta waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay xiligan leedahay iskaashi iyo wax wada qabsi ku dheehan isku duubni iyo is jeceyl ay ku wada howlgalaan Baarlamaanada Carabta waxaana uu dhanka kale ku booriyey iney ka qeybqaataan maalgashiga xiligan dunidu ku sameyneyso Soomaaliya oo hada ku taagan wadadii hormarka.
Maanta oo khamiis ah ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loosoo gebagebeeyo shirka Madaxda Baarlamaanada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar iyadoo gebagebada shirkana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha shirka looga hadlay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TGxYHf
via IFTTT

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Soomaalida ee loogu qabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Waxaa lagu soo Gunaanaday shalay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo halkaasi ka socday muddo laba maalmood ah, iyadoo gebagabadii shirkaasi laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 31-qodob.
Qodobada ku xusnaa warmurtiyeedka Shirkaasi laga soo saaray ayaa Waxaa ka mid ahaa; In shirkaan ay ka Qayb-galeen Wufuud ka kala socday 54 dal iyo 11 hay'adood oo Dalal Caalamka ah ka kala socday, sidoo kale, waxay ka qaybgalayaasha shirka soo dhaweeyeen sidii Barnaamijka Higsiga Cusub ee Somalia [New Deal], iyadoo dhanka kalena Amaanay sida ay dowladda Somalia wax u maamushay, gaar ahaan nabadda iyo dib u dhiska dalka, iyagoo xusay inay jireen caqabado kala duwan oo hor-taagnaa howlahan fulintooda.
Waxaa kaloo warmurtiyeedka lagu xusay in muddo xileedkii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku eg-yahay sanadkan, loogana baahan yahay hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd 2016.
Ka-qayb-galayaaha ayaa waxay kale oo xuseen inaysan sanadkan ka dhici karin Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay inay Taageerayaan Go'aankii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho sanadkan 2016-ka ee ku aaddanaa hanaanka doorasho ee Soomaalia ka dhacaysa, kaasoo ahaa in isku dhaf ah ay ku dhacdo doorashadu.
Waxay kale oo, Xubnahani Sheegeen inay Dareemeen Maqnshaaha ay ka Maqnayd Shirkaan Puntland, iyagoo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ka jira dalka u soo jeediyey inay muujiyaan sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd arimahan, si doorashada sanadkan ka dhacaysa Soomaaliya ay cid walba uga qayb qaadato.
Xubnihii ka qayb-galay Shirkaasi lagu Qabtay Istanbuul ayaa Sheegay in ku Talinayaan in Sanadka 2020-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho uu Qof walba oo Soomaali ah codkiisa ka dhiiban karo, waxay kale oo ay ku taliyeen in la dardargeliyo dhismaha Maamulka ay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe yeelanayaan, kaas oo dhismihiisu uu haddaba socdo, iyagoo intaas ku daray inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ka qayb-galayaashu hoosta-ka-xariiqeen in Dastuurka Soomaaliya ee hadda lagu howlan yahay wax ka bedelkiisa lagu saleeyo hannaanka federaalka uu dalku xilligan u gudbayo, isla markaana uu noqdo dastuur ay shacabka Soomaaliyeed isku raacsan yihiin, kana shaqeynaya nabadda, gundhigna u noqda degenaasho siyaasadeed oo dalka ka dhacda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20WoWoC
via IFTTT

Monday, February 22, 2016

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu jawaab degdeg ah ka bixinayo is hortaagii ay Kenya ku sameysay isaga iyo…

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qaybgalaya kulan looga hadlayo Xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhaxeeya ayaa hadlay xayiraaddii maalmo ka hor loogu geystay isaga iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wuxuuna sheegay in muddo saacado ah uu ku jiray Garoonka Jomo Kenyatta, isagoo intaas ku daray inuu jawaab cad arrintaasi ka bixinayo ayna baarayaan sababta garoonka Nairobi loo xanibay.
"Sida Warbaahintu ay u qortay warbixinta arrintan ku saabsan oo ahayd in uu isagu ka mid ahaa xubnaha la xanibay waa mid been abuur ahayuu yiri ra,iisulwasaare cumar oo intaasi ku daray in sababtii uu isagu garoonk u joogay ay aheyd inuu kala hadlo Saraakiisha Garoonka Jomo Kenyatta in Xildhibaanada la sii daayo oo ay galaan Nairobi, wuxuuna R/ wasaaruhu dhinaca kale xusay in isaga lagu qanciyey in marka hore uu ka baxo garaoonka, kadibna ay sii deyn doonaan xubnaha wafdiga intooda kale," ayuu yiri Ra'iisul wasaaruhu.
Isagoo sii hadlaya ayuu Ra'iisul wasaare Sharmar'akre sheegay inay xukuumadda Kenya in ay uga baxday in xildhibaanadii iyo xubnihii kale ee garoonka ku jiray ay kasoo saarto, kuwaasoo ku jiray garoonka maalintii iyo habeenkii xigay, taasoo uu ku Tilmaamay mid ka baxasan xeerarka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, uuna tallaabo cad oo ka dhan ah falkaas qaadi doono.
Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi lagu xanibay muddo saacado ah wafdiga Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya oo isugu jiray xildhibaanno,wasiiro iyo ganacsato dhamaantood kusii jeeday magaalada istanbuul ee Dalka Turkiga oo ay kaga Qayb-galayaan shirka horumarinta Soomaaliya kaas oo maanta si Rasmi ah uga Furmaya Magaalada istanbuul.
Dhanka kale Xukuumaddda Kenya ayaa ku andacootay dhankeeda in Diyaaraddii Wafdiga uu hoggaaminayay Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya siday aysan soo marin Degmada Wajeer-Kenya ayna uga shakiyeen arrimo la xariira Ammaanka, laakiin Ra,iisulwasaare Sharma'arke ayaa sheegay inay labada dal horey ugu heshiiyeen in diyaaradaha Mas'uuliyiinta Soomaalida sida aysan soo marin garoonka degmada Wajeer, maadaama ay yihiin mas'uuliyiin dowladeed.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T3dclr
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyay rasaas culus oo xalay ka dhacday xero ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalada Gaarisa

Rasaas culus, ayaa waxaa xalay laga dhex maqlay xero ciidanka difaaca Kenya, ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya, ciidan fara-badan, ayaa rasaasta ka dib soo buuxiyay wadooyinka Magaalada Gaarisa, iyadoo aan illaa iyo hadda macluumaad rasmi ah laga haynin waxa sababay rasaastaasi.
Warbaahinta Kenya, ayaa qortay in xoogaga ammaanka ay si buuxdo gacanta ugu hayaan ammaanka magaalada, isla markaana ay wadaan baaritaano ku aaddan rasaasta dhacday oo aysan ilaa hadda sheegin waxa sababay in rasaas xooggan ay ka dhacdo xerada dhexdeeda, dadka deegaanka, ayaa dhacdadaasi ka dib waxay ku xaroodeen guryahooda, waxaana albaabada loo laabay goobaha ganacsi ee ku yaala xarunta gobolka Waqooyi Bari.
Nin degan agagaaraha Xerada Militariga Barack, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay baqdin xoog lihi ka muujiyeen rasaas iyo qaraxyo uu sheegay in Xeradaasi laga dhex maqlay, ninkan ayaa sheegay in 10 illaa 20 daqiiqo ay rasaastu ka socotay gudaha Xerada, balse wuxuu xusay inaysan jirin cid illaa iyo hadda sheegi karta, sida ay wax uga dhaceen Xerada Militariga Kenya.
Saraakiisha Booliska & Militariga ee ku sugan Magaaladaasi Garissa, ayaan weli wax war ah ka soo saarin, in Xerada Barack la soo weeraray iyo in kale, Al-shabaab oo weeraro joogto ah ka gaysta gudaha Kenya, ayaa marar badan weeraro ka fuliyay Garissa, weerarkii ugu dhimashada badnaa, ayaa ahaa kii 2-dii bishii April ku qaadeen Gaarisa University.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PUmAnl
via IFTTT

Maamulka Jubbaland oo Kismaayo ka soo musaafuriyey odayaal dhaqameedyo uu ku eedeeyay inay

Maamulka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay laba oday dhaqameed, kuwaas oo kala ah: Suldaan Maxmuud Geelle iyo Caaqil Cabdulaahi Saciid Bile, maamulka ayaa odayaasha dhaqanka ku eedeeyay inay yihiin Al-shabaab, beelaha ay ka soo jeedan oday dhaqameedyada la xiray ayaa ku eeedeeyay maamulku inuu wado caburin iyo kelitelisnimo, lala beegsaday beelaha qaar.
Xariga odayaashan ayaa imaanaya kadib markii ay qoraal ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Gen. Maxamed Darwiish soo saareen, kaas oo ay ku sheegayeen inuu kalsoonidii beesha si khaldan u isticmaalayo, xarig iyo handaadaadna uu ku hayo isla beesha kalsoonida siisay, waxayna taasi keentay in labadaasi oday xarigooda kadib laga musaafuriyo magaalada Kismaayo.
Odayaasha dhaqanka ayaa loo diiday inay kulankooda ama shirkooda ku qabsan karaan goobaha loogu talagalay shirarka, sidoo kale waxaa warbaahinta looga digay inay baahiyaan codkooda, nabadoonada iyo waxgaradka shirka isugu yimid ayaa si shuruud la'aan ah uga codsaday maamulka Jubaland inay ka laabtaan musaafurinta odayaashan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay arrinka odayaashan ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland uu labadaas oday ka masaafuriyey Kismaayo, kuwaas oo shalay laga soo dejiyey magaalada Muqdisho oo ay hadda ku suganyihiin, nabadoon Bile ayaa sheegay in amarka lagu masaafuriyey labadaasi oday uu bixiyey Axmed Madoobe.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T3d8lJ
via IFTTT

Shirka heerka wadatashiga madaxda Soomaalida oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Waxaa maanta si rasmiya uga furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Shirka Cahdiga cusub ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya, shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay Madasha u sareysa ee lagu go'aaminayo aayaha Soomaaliya, kaas oo ay soo qaban qaabisey Qaramada Midoobey iyo dowladda federaalka sida lagu yiri warsaxaafeed laga soo saarey ka hor furitaanka shirka.
Shirka lixaad ee Cahdiga Cusub (New Deal) ayaa waxaa wada shir guddoominaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson, Shirka waxaa ka soo qaybgalaya dalal ka badan 50 dal, 12 urur oo caalami ah, Dowaldda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada dalka jira
Qodobada inta uu shirku socdo laga hadlayo ayaa Waxaa ka mid ah: Xaaladda amniga iyo nabadgelyada Soomaaliya, dib u dhiska hay'adaha dowliga ah, siyaasadda dib u heshiisiinta, arrimaha federaalka, dimoqraadiyeynta iyo Geeddi socodka doorashooyinka, dib u eegista dastuurka, hormarinmta dhaqaalaha bulshada
Shirkaasi maanta ka furmaya Istanbul ayaa Turkigu sheegay in uu noqon doono mid ay ka soo baxaan barnaamij siyaasadeed oo dhamaystiran, kaas oo Turkigu caalamka ku cadaadin doono, taabo gelinta dhismaha haykalka dowladnimo, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafdeedka.
Shirka Istanbuul ayaa la sheegayaa in uu yahay mid aan dhinacyada Soomaalidu u dhameyn, sida Puntland weli mowqif cad aan shirkaasi ka qaadan kaas oo ku saabsan in ay ka qayb galayaan iyo in kale, ilaa haddana aan wax wefdi ah u dirin, sidoo kale Somaliland ayaan shirkaasi ka qaybgalaynin lamana sheegin in la casumey iyo in kale.
Dhinaca kale waxaa shirka weyn ee maanta furmaya lagu dhinac qabanayaa laba shir oo kale oo kala ah: Ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, waxaa soo qaban qaabisey: Turkey-Somalia Business and Investment Forum, waxaana shirkaasi oo shalay furmay khudbado ka jeediyey Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo ku-xigeenka Raysalwasaaraha Turkiga Lütfi Elvan. Shirkaan ayaa laga soo saari doonaa qodobo muhiim ay oo ay ka midyihiin sidii loo sii xoogin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya gaar ahaan kaalinta ay dowladda Turkiga ku leedahay horumarinta Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PUmyfc
via IFTTT

Al-shabaab oo wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo galbinayey gadiid ku socday maamulka K/galabeed

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tiran Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Leego iyo Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha hoose.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid dhinaca Balli-doogle, kuwaas oo galbinayey gaadiid loogu talo galay Ciidamada Ammaanka Maamulka K/galbeed kuwaas isugu jiray gawaarida looyaqaanno Cabdi bilaha iyo gawaarida ciidamada lagu qaado,waxaana la sheegay in gadiidkaasi uu ahaa mid loogu deeqay maamulka K/galbeed kana soo degay dekedda magalaada muqdisho, kaas oo la doonayey in la geeyo Magaalada Baydhabo oo ah hadda xarunta KMG ah ee maamulka K/galbeed.
Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka gubeen afar ka mid ah gaadiidka ay wateen, ayna ku xayiranyihiin deegaanka uu weerarka ku qabsaday, dadka deegaanka Leego ayaa sheegaya inay maqlayeen hubka cul culus oo la is weydaarsanayo, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka labada dhinac ka soo gaaray.
Taliye ku-xigeenka Ciidamada daraawiishta maamulka K/galbeed ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in gaadiidka ay ciidamada AMISOM galbinayeen ay iska lahaayeen maamulka K/galbeed,wuxuuna intaasi ku daray in Ciidamada Burundi ay gadiidkaasi ka soo kaxeeyeen magaalada Muqdisho ayna doonayeen inay soo gaarsiiyaan deegaanka leego halkaaasi oo ay ku sugayeen ciidamo katirsan kuwa itoobiya oo ay ciidamada Burundi kuwareejin lahaayeen gaadiidka ay galbinayeen si iyana ay baydhabo u gaarsiiyaan.
Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku qaadayeen saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo 15-kii bishii hore ay aheyd markii Al-Shabaab weerar askar badan looga dilay Ciidamada Kenya ku qaaday deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OrGVw1
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraadii garoonka Jomo Kenyatta lagula sameeyay Ra’isul wasaare Cumar iyo wafdi uu hogaaminayey

Dowladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay shalay Xayiraaddii Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi loogu geystay Sabtidii Toddobaadkan Wafdigii Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayey, iyagoo Garoonkaasi ku ahaa Transit ay uga gudbayeen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga balse doonayey inay saacado ku sii hakadaan magaalada Nairobi,waxayna dowladdu sheegtay inay aad uga xuntahay talaabadda lagula kacay wafdigii ka socday dowladda soomaaliya.
"Dowladaha Somalia & Kenya horay waxay u kala Saxiixdeen heshiis is-faham ah (MOU), kaas oo dhigayay in Xubnaha sare ee dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay helaan ogolaansho dal ku gal Waqti kasta oo ay u safraan Dalka Kenya, iyadoon dib u dhac lahayn, laakiin nasiib-darro in dowladda Kenya ay jabisay heshiiskaas," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay shalay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeedka ku sheegtay inay ka sugayso Hoggaamiyeyaasha dowladda Kenya cudurdaar rasmi ah iyo faahfaahin la xiriirta dhacdadaas iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo ee uu Hoggaaminayey Ra,iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay inay ka fekereyso jawaabta ku haboon ee falkaas ay ka bixinayso, waxaana hadalkan uu kusoo beegmayaa 2 maalin kadib markii garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo 20 saacadood ay ku Xayirnaayeen xubno ka tirsanaa wafdigii la socday Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L7Sy0s
via IFTTT

Sunday, February 21, 2016

Warar kala duwan oo ka soo baxaya qodobada looga hadlayo shirka madaxda dowladda Soomaalida iyo kuwa maamulada dalka ee berri Turkiga ka furmaya

Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya looguna magac daray High-Level Partnership Forum oo ah kii saddexaad ayaa qabanqabadiisa ka socotaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, iyadoo wufuud Soomaali iyo ajnabi ah ay ku sii qulqulayaan dalka Turkiga si ay uga qeybgalaan shirkaasi.
Shirka waxaa ka qeyb galaya madax ka socota ilaa 40 dal oo Soomaaliya taageera kuwaas oo ay isugu jira wasiiro arrimo dibadeedyo iyo madax kale, waxaana shirka iska xaadirinaya dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba xubno kale oo ka socda qeybaha bulshada.
Sida laga soo xigtay qaar kamid ah xubnaha ka qeybgalaya Shirkaasi waxaa shirkaasi loogu talo galay inay isku arkaan dhinacyda madaxda mamulada dalka, dowladda dhexe, iyo beesha caalamka waxaana inta uu socdo lagu gorfeynayaa xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan hab sami u socodka hanaanka loo jeexay doorashada 2016.
Waxaa jira warar kale oo aan si rasmi loo xaqiijin kuwaas oo sheegaya in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay shirka ku saxiixi doonaan 6 heshiis oo labada dowladood wada galayaan, kuna saabsan arrimaha Dhaqaalaha, Kaluumeysiga, Ciidamada, Beeraha iyo heshiiyo kale oo si hordhac ah loo saxiixay,inkastoo aan labada dal midna laga helin jiritaanka heshiisyadaasi,sidoo kale shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgelaya, xubno ka socda ganacsatada soomaaliyeed iyo wakiilo ka socda qurba joogta Soomaalida, waxaana lagu wadaa in Dalal badan oo shirka ka qeybgalayaa ay halkaasi kaga dhawaqaan balanqaadyo ku saabsan dib u dhiska iyo kaalmada Soomaaliya.
Shirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo hanaanka doorshada 2016 la isla qaatay kaas oo inta badan maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ay isku afgarteen in lagu galo doorashada nidaamka 4.5 inkastoo uu diiday maamulgoboleedka puntland oo sidoo kale aan ilaa hadda la ogeyn inuu shirkaasi ka qeybgelayo, waxaana jira warar sheegaya in madaxweynaha maaulka puntland C/weli Cali Gaas oo hadda ku sugan dalka Itoobiya uu safar talaadada soo socota ugu ambabaxayo dalka Mareykanka inkastoo aan la faahfaahin waxa ay salka ku heyso ,mana jirto ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mamaulka puntland kaas oo ku saabsan inay ka qeyb gelayaan shirka turkiga iyo in kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21k11S9
via IFTTT

Ahlu Sunna oo is hortaagtay socdaal uu Axmed C/salaan ku tagi lahaa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb

Warar aan si ramsi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada Dhexe ay shalay u diideen in deegaanada ay ka taliyaan inuu booqasho ku tago wafdi uu hogaaminayey siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan gaar ahaan degmooyinka Guriceel iyo D/mareeb.
Sida warku sheegayo wafdiga uu hogaaminayay Axmed C/salaan oo ay qeyb ka ahaayeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada dhexe ayaa ayaa dib u dhigay socdaal ay ku tagi lahaayeen degmooyinka ay maamulaan maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe kadib markii sida la sheegay ay ahlu sunna diiday socdaalka wafdigaasi.
Wararka ayaa intaas ku darayaan in Ahlu Sunna ay ciidamo fara badan geysay Garoomada diyaaradaha Dhuusa-mareeb iyo Guriceel, si ay is hor-taag ugu sameeyaan, haddii uu wafdigu isku dayo inay amar la,aan ka soo degaan deegaanada ay maamulaan, siyaasiga Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa ururka Ahlu Sunna, waxaana uu horay uga qeyb qaatay dadaalo nabadeed oo laga dhex waday Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ee dagaalamay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Ahlu Sunna oo ku aaddan sababaha ay uga soo horjeesteen socdaalka wafdigaasi la sheegay inuu hoggaminayey Siyaasiga Axmed Cabdisalaan, iyadoo sidoo kale uusan arrintaasi ka hadlin Siyaasiga Axmed C/salaam,waxaana jira warar kale oo sheegaya in wafdigaasi maanta ay halkaasi tagayaan inkastoo aan la xaqiijin warkani.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/218nUeQ
via IFTTT

Kenya oo ka hadashay sababtii garoonka Nairobi loogu xayiray R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday, kuna sigtay in dib loo soo celiyo

Saraakiil ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya ayaa shaaciyay sababta keentay in Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday muddo saacado ah lagu xayiro Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, dhacdadaas oo lagu tilmaamay fadeexad diblomaasiyadeed oo lagula kacay wafdigaasi ka socday Soomaliya.
Saraakiisha Kenya ayaa ku dooday in Wafdiga Ra'iisalwasaaruhu aysan soo marin Garoonka Wajeer oo ah meesha diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada lagu sii hubiyo xilliga ay u socdaan Nairobi, wuxuuna sarkaal ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya uu u sheegay wargeys ka soobaxa dalka Kenya inay arrintaasi tahay jebin sharcigii nabadgelyada u yaalay. Sarkaalkan oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in arrintaas sidii wax looga qaban lahaa ay isku qabteen waaxda socdaalka iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Sida warku sheegayo Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa amray in dib loogu celiyo diyaaradda iyo ra'isial wasaaraha la socda magaalada Muqdisho, laakiin waxaa dhacday in diyaaradii Nairobi geysay Ra'iisal wasaaraha ay degdeg uga noqotay garoonka, taasoo xaaladii sii cakirtay.
Dhinaca kale qeybta borotokolka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa halkaasi u dirtay gawaarida martida ee qaadi lahayd wafdiga Ra'isal wasaaraha Soomaaliya kuwaasoo saacado badan ku sugnaa qeybta VIP-da garoonka oo saraakiisha ammaanka ay ku heysteen Ra'isal wasaaraha iyo wafdigiisa,inkastoo markii dambe iyo isaga dhowr wasiir u fasaxay inay gudaha u galaan magaalada Nairobi oo ay doonayeen inay saacado ku nastaan,kadibna uga siigudbaan dalka Turkiga.
Ra'iisal wasaaraha ayaa hogaaminayay wafdi ka kooban 20 xubnood oo isugu jira 3 wasiir iyo xildhibaano iyo xubno kale, waxayna shalay mar kale ka dhoofeen magaalada Nairobi iyaga oo ku siijeeda dalka Turkiga oo ay uga qeybgelayaan shir looga hadlay doorashooyinka soomaaliya kaas oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan wuufuud badan oo kala socota caalamka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21k0Ztw
via IFTTT

Madaxweyne Xasan Sheekh: Warbixinta transparency international waxba kama jiraan weeye, waayo waxay…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warbixintii ay dhawaan soo saartay hay'adda lagu magacaabo transparency international ee aheyd in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay Wadamada ugu Musuq Maasuqa badan ee adduunka ka jira, madaxweynaha ayaa sheegay in warbixinta transparency international ay tahay mid xaqiiqada ka fog, isla markaana aysan Soomaaliya sidaa u liidan oo ay ka jirto isla Xisaabtan iyo kala dambeyn.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhici karto waxyaabo qaldan oo ka dhaca Dowladda Soomaaliya, balse wax laga barto oo lagu dedaalo sidii mar dambe aysan u soo laaban.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/218nSn4
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo ka noqotay amar horay ugu soo baxay oo ku saabsanaa maamulka Somaliland

Hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa dib ula noqotay go'aan ay soo saartay 1 Feberaayo oo sheegayey in 21 bisha Feberaayo wixii ka dambeeya la xanabiyo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala goosha, Gen. Gaafow oo ah taliyaha laanta socdaalka ayaa sheegay sababta go'aankan ay u gaareen ay aheyd, go'aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka socdaalka ah lagu khasbaayo inay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go'aankii hore uu ahaa mid ku socdey shirkadaha duulimaadyada, kadib markii ay is arkeen madaxda shirkadaha la isku fahmay, oo la xaliyey cabashooyinkii jirey, go'aankii ka soo baxay dowladda federaalka bilowgii Febaraayo wax badan ayaa kadib is bedelay, maalin kadib go'aankaas waxaa bam la saaray diyaaradda Daallo Airlines, kaas oo hawada lagu qarxiyey, waxaa ku geeriyoodey ninka lagu eedaynayo inuu mas'uul ka ahaa weerarka oo ka soo jeeda gobolada Somaliland maamusho" ayuu yiri Gaafow.
Al-shabaab ayaa weerkaas sheegtay waxaana ay sheegeen in ujeedada weerarku uu ahaa diyaaradda Turkish Ailines oo maalin kahor joojisey duulimaadkeedi, rakaabkeedina ku wareejisey Daallo Airlines si ay uga qaado Jabuuti, Diyaaradda Turkish Airlines ayaa joojisey duulimaadkeedi Muqdisho oo ay muddo dheer tegi jirtey, isla markaana dhistey garoonka, hay'ad Turkish ahna ay maamusho. waxaana weerarkaas lagu eedaynayaa in ay fududeeyeen mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya ee NISA.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21k0W0I
via IFTTT

Jawaari oo Muqdisho ku soo xiray shir u socday baarlamaanada maamul goboleedyada, sheegayna inuu doonayo in la saxiixo…

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan (Jawaari) ayaa magaalada Muqdsho kusoo xeray shir uga socday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho Golayaasha baarlamaanada muulada dalka ka jira kaas oo socday intii u dhaxeysay 17-20 February 2016.
Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda shirka lagu soo xiray ayaa tilmaamay in golayaasha baarlamaanada gobolada ay isla ogolaadeen qorshe ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaanada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekhunaa oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad oo la xiriira mabaadii'da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha baarlamaanada ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kan maamulada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii ugu horeeyey ee Golayaasha baarlamaanada gobolada Soomaaliya uu ku dhammaaday guul waxuuna inataasi ku daray inuu rajeynayo in Baarlamaanada oo wadajira ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Op6L3L
via IFTTT

Saturday, February 20, 2016

Madaxweyne Xasan: Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajib, waana suurtagal in…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka daahfurka dowladda oo dadweynaha ay su'aal ku weydiinayeen madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go'antahay sidii dalkan cadowga looga cirib tiri lahaa, Madaxweynaha oo ka hadlayey aaminaadda shacabka ee dowladnimada ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in shacabku ay kalsooni ku qabaan madaxdooda, waxaana uu intaa ku daray in barnaamijka daahfurka dowladda ay qeyb weyn ka qaadan karto in la is aamino, isla markaana la isla xisaabtamo.
"Nidaam iyo qaab aan isku aamino aan sameysano, nidaamka dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, shaqsiga xilka haya beri wuu ka tegayaa, howshan aan maanta u jogno waa tallaabada lagu sixi karo nidaamka dowladnimada" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan oo ka hadlayey arrimaha amniga iyo mushaaraadka ciidanka ayaa yiri "Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go'antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taaganyihiin sidii cadowga ummadda uga difaaci lahaayeen".
Sidoo kale Xasan ayaa yiri "Waxaan ka cudur daareneynaa marka ay socdaan howlgalada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go'antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed", Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha qaadka ayaa sheegay in qaadka uu dalka ku hayo dhibaato aad u weyn, waxaana uu intaa ku daray in meelo badan oo dunida ka mid ah qaadka laga mamnuucay, balse dowladda ay sameyn doonto qorshe bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada uu qaadka leeyahay.
"Dowladda marka ay go'aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadla waxay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan ka wacyi gelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka, dowladduna waxa ay sameyn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan" ayuu yiri Madaxweynaha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q1I0ga
via IFTTT

Qaramada Midoobay oo beenisay in dowladda Eritrea ay taageero u fidiso Xarakada Al-shabaab

Guddoomiyaha kooxda dabalgalka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea Rafael Darío Ramirez Carreño ayaa sheegay in dowladda Eritrea aysan xilligan wax taageero ah siin Xarakadda Al-shabaab, Rafael Darío waxa uu sheegay in xog ururintii ugu dambeysay ee ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Eritrea aysan ku lug laheyn amaan darida dalka ka jirta Soomaaliya, wuxuuna xusay inaysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dawladda Eritrea iyo Xarakada Al-shabaab.
Sargaalkaan madaxda ka ah guddiga Qaramada Midoobay u xilsaartay inay kormeeraan cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring group waxa uu hadalkan sheegay mar uu ka qeyb galayey shir ay xubaha golaha ammaanka ee UN-ku yeesheen.
"Xukuumadda Asmara inkastoo aysan kooxdeena xiriir la laheyn haddana waxaa jira in baaritaankii ugu dambeeyay aanu ku ogaanay inuusan hadda jirin wax xiriir ah oo Al-Shabab iyo Eritrea ka dhaxeeya sedexdii sano ee la soo dhaafay" ayuu yiri Rafael Darío oo madax u ah guddiga warbixintaan diyaarshay, Dario waxa uu sheegay inay hayaan xog kale oo sheegaysa in dawlada Eritrea ay ay taageerto koox hubeysan oo la dagaalama dawlada Ethiopia.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/2167H9S
via IFTTT

Axmed Siilaanyo oo magacaabay guddi ka talo bixiya wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay guddida ictiraaf raadin Somaliland kuwaas oo ka hawlgeli doona fududaynta sidii Somaliland beesha caalamka aqoonsi uga heli lahayd sida uu yiri,waxayna sidoo kale wafdigaasi qaabilsanaan doonaan ka talo bixinta wadahadalada u dhexeeya dowladda soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Gudiga uu magacaabay Axmed siilaanyo oo ka kooban 18-xubnood, ayaa ka kooban siyaasiyiin hore, golaha wasiirrada, goloaha guurtida, aqalka wakiilada iyo xisbiyada mucaaridka ah, iyadoo sidoo kale uu ku jiro xubin hore uga tirsanaa baarlamaanka soomaaliya balse iska casilay xilkaasi kaas oo ah Prof Axmed Ismaaciil samatar ,wuxuuna madaxweynaha Somaliland uu sheegay in guddigaasi ay diiradda saari doonaan sidii loo diyaarin lahaa qorshihii Somaliland ictiraaf ku heli lahayd, sidoo kale gudigaasi ayaa howshiisa waxaa ka mid ah.
Guddidaasi uu magacaabay madaxweynaha Somaliland ayaa magacyadoodu kala yihiin sida tan: wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire guddoomiye, wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha ictiraaf raadinta iyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dibadda Cabdoo Axmed Aayar, wakiilka wareega ee Somaliland Raabi Axmed Mohamed, wakiilka Somaliland ee Turkiga Cali Axmed Cismaan



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q1HUFt
via IFTTT

Madaxda dowladda Soomaaliya oo sheegtay in gobolka Banaadir uu la xuquuq yahay gobolada kale ee dalka

Madaxweynaha dowladda soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xuquuqda asaasiga ah ee ay leeyihiin dadka ku nool gobolka banaadir, Waxaana uu sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir ay wax la qabaan shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee dalka, isla markaana la sameyn doono maqaamka gaarka ah ee ay caasimaddu leedahay.
"Gobolka Banaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool,markaa in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshaduna ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen" ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku yiri.
Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay Arrimaha garsoorka ayuu sheegay in Nidaamka dowladnimada ee 30-kii sano ee lagu dhaqmayay la bedalay, lana keenay nidaam cusub oo xukunka baahsanyahay, taladu baahsantahay, dastuurka dalka uu qorayo in adeega garsoorka uu ka madax banaanyahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa waqti badan nagu qaadatay, balse meel fiican ayuu marayaa.
Madaxweynaha oo ugu dambeyntii soo xiray barnaamijka daah furka oo ay soo qaban qaaabisay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ku saabsanaa isla xisaabtanka oo qeybaha bulshada ay su'aalo ku weydiinayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladu ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo kale oo dhiman.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/2167GCQ
via IFTTT

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo saacado badan lagu xanibay garoonka diyaaradaha Kenya

Dowladda Kenya ayaa shalay si fool xun oo ka baxsan habka diplomaasiyadda ula dhaqantay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, wafdigaan oo ka koobnaan wasiiro, xildhibaano iyo ilaalada mas'uuliyiintaasi kuwaas oo kusii jeeday magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo dhawaan lagu qaban doono shir ku saabsan hiigsiga 2016 ee doorashooyinka Soomaaliya.
In ka badan Afar saac ayaa lagu hayey gudaha Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta halkaas oo wafdigu ay u taageereen inay garoonka kasii gudbaan iyo in qaarkood ay gudaha u galaan magaalada Nairobi oo ay kasii raaci lahaayeen diyaarado dalka Turkiga u socda.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta Baasaboorada laga qaatay ee in ka badan afar saac garoonka qaybta VIP-da ee madaxda ku xayirnaa,inkastoo markii dambe loo ogolaaday isaga iyo qaar kamid ah wasiiradii la socday inay gudaha u galaan magaalada Nairobi,halka intii kale ee wafdiga ra,iisulwasaaraha ay weli ku xaniban yihiin gudaha garoonka.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa masuuliyiintii lagu bahdilay oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in si fool xun loola dhaqmay isagoo xusay inaysan arrintaan ka hari doonin oo ay baarlamaanka horgayn doonaan.
Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha oo lagu wado inay shir kaga qaybgalaan Magaalada Istanbul, ayaa waxaa uu qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Magaalada Nairobi, sababo ku aadan diyaaraddii u qaadi laheyd dhanka Turkiga, oo Nairobi ka amba baxeysa 11-ka duhurnimo ee Axada maanta ah, xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo la hadlay VOA, ayaa tilmaamay inaanan weli loo keenin basabooradooda, oo looga qaaday in loogu soo dhufan doono Fiisihii ay gudaha ugu geli lahaayeen Magaalada Nairobi.
C/laahi Jaamac, ayaa waxaa uu Kenya ugu yeeray inay jawaab cad ka bixiso waxa ku khasbay in sidaan ay u bahdiso Masuuliyiinta Dowladda Somaliya qaarkood,wuxuuna soo hadalqaaday in Magaalada Muqdisho ay jooggaan dad fara-badan oo Kenya u dhashay, kuwaa oo sida uu sheegay aan lagu dhibin Fiisaha, waxaana uu Kenya weydiiyay sababta ay Fiisaha ugu silcisay Madaxdii Qaranka.
Arrintan ayeysan ilaa hadda ka hadlin dowladda soomaaliya,sidoo kalena dowladda Kenya ayaan arrintaasi ka hadlin ,inkastoo saraakiil hoose oo katirsan garoonka diyaradaha Joma Kenyatta laga soo xigtay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in diyaaraddii waday wafdigaasi aysan marin magaalada wajeer halkaasi oo lagu baaro diyaardaha ka taga soomaaliya inta aysan tagin garoonka Joma Kenyatta ee magalaada Nairobi.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q1HTBl
via IFTTT

Friday, February 19, 2016

Madaxda Soomaalida oo isugu tagaya dalka Turkiga halkaasina ku saxiixaya heshiis

Waxaa maalmaha soo socda dalka Turkiga ka furmaya Shir la sheegay in ay ka qeyb galayaan Madaxda Soomaalida oo lagu soo gunaanadayo nooca doorashada la doonayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya, iyadoo shirkaasi oo lagu wado inuu furmo magaalada istanbuul 22 bishan haddii aan wax iska bedelin qorshihii shirkaasi ,waxaana sida la sheegay ka qeybgelaya Madaxda dowladda soomaaliya iyo madaxda maamulada gobolada soomaaliya ,iyadoo qorshuhu yahay in lagu meelmariyo doorashada ka dhacaysa dalka sanadkan 2016-ka.
Lama oga in madaxweynaha maamulka puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo diiday nidaamkii ay soojeedisay dowladda soomaaliya ayna qaateen maamulada kale uu ka qeybgelayo shirka turkiga maadaama sida la sheegay lagu saxiixayo dalka turkiga Nooca doorasho ee ay soomaalidu qaadatay,waxaana jira warar sheegaya in dowladda itoobiya ay isku dayeyso inay madaxweynaha puntland ka dhaadhiciso inuu ogolaado nidaamka ay soomaalida inteeda badan qaateen uuna shirka ka qeybgalo,laakiin ilaa hadda lama oga in soojeedinta itoobiya uu ogolaaday C/weli Gaas.
Dhinaca kale qaar kamid ah wufuuda dowladda Soomaaliya uga qeybgelaya shirka Turkiga ayaa lagu wadaa inay maanta ka ambabaxaan magaalada muqdisho,waxayna warar aan si rasmi ah loo xaqiijini sheegayaan in wafdiga maanta ka Ambabaxaya muqdisho uu hoggaaminayo Ra,iisulwasaaraha Xukuumadda soomaaliya C/rashiid, iyadoo ay wafdigaasi xubno ka yihiin xubno ka tirsan xukuumaddiisa inkastoo aan la fahfaahin
Sidoo kale madaxda maamulada dalka ka jira ayaa lagu wadaa inay dalka turkiga gaaraan dhawaan, iyadoo sidoo kale ay ku biirayaan shirkaasi xubno kale oo ka socda dowladda Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L0tZCG
via IFTTT

Kulan ay xalay yeelan laheeyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo dib u dhacay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Kulan aan caadi aheyn oo lagu waday inay xalay yeeshaan Golaha Wasiirada ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo kulankaasi la doonayey in lagu magacaabo Ilaa 12 Safiir oo dowladda Soomaaliya u matali lahaa dalal ku yaala Caalamka,halka qaar kale la doonayey in dalalka ay ka shaqeeyaan la isku bedelo,sidoo kalena kuwo kale xilka laga qaado.
Si rasmi ah looma waxa sababay in shirka ay yeelanlahaayeen golaha wasiirada xukuumadda soomaaliya uu baaqdo, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya sababaha shirkaasi dib u dhigtay iyo sababta loo baajiyey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid kulankii xalay lagu waday inay yeeshaan golaha wasiirada soomaaliya ay salka ku heyso, is qab qabsi ka jira Safiirada qaar iyo in wali ay u baahan tahay wada tashi, inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda intooda badan safiirada soo gudbisay, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa kala bedel lagu sameynayo Safaaradaha qaar iyo safiiro cusub oo la doonayo in loo magacaabo Safaaradaha dalal ku yaala qaaradaha Yurub, Asia iyo Afrika.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Safaaradaha is bedelka lagu sameynayo ay ka mid yihiin Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, Safaaradda Masar oo dhawaan uu ka geeriyooday Safiirkii joogay, Kuuriyada Koofureed, Turkiga, Itoobiya iyo kuwo kale oo aan inoo suura gelin inaan magacyadooda helno.
Safaaradaha sida deg degta ah is bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo bartamihii sanadkii hore loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo la sheegay inuu boorsooyinkiisa ka soo xir-xirtay Turkiga, isla markaana uu damac kale oo siyaasadeed ku jiro.
Waxaa kaloo lagu wadaa in Safiir cusub loo magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee magaaladaAddis Ababa, oo xilkaas sanad ka hor isaga tagay Amb, Axmed Cabdisalaan, waxaana xilkaasi sii hayey hayay qof Si Haye ah.
Xukuumadda iyo Madaxtooyada soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshayaal safiiro loogu magacaabayo dalal dhowr ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo jeedisay in qaar ka mid safiirada caalamka soomaaliya u fadhiya is bedello lagu sameeyo,sidoo kalena xubno cusub la magacaabayo.
Lama oga xilliga iyo goorta lagu dhawaaqi doono Safiiradan cusub, waxaase lagu wadaa in lagu dhawaaqo marka laga soo laabto shir ka dhacaya dalka turkiga kaas oo lagu saxiixi doono nooca doorasho ee sanadkan 2016 ka dhici doonta Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1otST39
via IFTTT

Al-shabaab oo beenisay war ka soo yeeray dowladda Kenya oo horay u sheegtay inay duqeyn ku dishay…

Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku beenisay hadal ka soo yeeray dowladda Kenya, kaas oo ahaa in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka geysteen koofurta Soomaaliya ku dileen Madaxa Sirdoonka Al-shabaab Mahad Karatey iyo saraakiil kale, afhayeenka howlgalada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Kenya, isagoo ku tilmaamay mid ay ugu laab-qaboojinayaan bulshadooda, gaar ahaan khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Ceel Cadde.
"Waa waxba kama jiraan hadalka ka soo yeeray Kenya, mana jiro mas'uul ama sarkaal ka tirsan Al-shabab oo ay dileen, warkaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid lagu laab-qaboojinayo shacabkooda xasuuqii ciidamadooda loogu geystay weerarkii Ceel-cadde" ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa sheegay inuu is burinayo hadalada ka soo yeeray dowladda Kenya, isagoo xusay inaanu jirin wax duqeyn ah oo dhacay, isla markaana uu yahay wararkaas mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxaana xusid mudan in war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Kenya lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda dagaalka geysteen 8-Febraayo lagu dilay Mahad Karatay iyo 10-Sarkaal oo kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L0tZ5w
via IFTTT

Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyey qodobada laga bedelayo dastuurka in afti looga qaado gobolada dalka

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa go'aan ku gaaray in dhamman qodobada la doonayo wax in laga badelo ee ku qoran dastuurka shacabku inay ka aragti dhiibtan oo la geeyo gobollada dalka, xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay go'aanka uu soo gudbiyey guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay inay doonayaan in lagu baahiyo dalka oo dhan dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka.
"Waxaan dooneynaa oo waajib ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waxaana ku baahin doona gobolada dalka" ayuu yiri xoghayaha guud ee baarlamaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay.
Mr. Buux waxaa kale oo uu sheegay magaalada Muqdisho inuu ka dhacayo shir ay ka qayb-galayaan xubno ka socda bulshada Soomaaliyeed si ay uga doodan qodobada laga badalayo dastuurka oo qorshuhu yahay in qabyadda laga saaro, magaalada Muqdisho waa xilligan ka sugan guddoomiyayaasha baarlamaanka maamulada dalka iyo xildhibaano, waxaase aan ka qayb galeyn Puntland oo ka baaqatay shirarka lugu doonayo in looga doodo qodobada laga badalayo dastuurka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1otSSMs
via IFTTT

Shariif Xasan oo Itoobiya looga yeeray, safarna ku tagay iyo C/weli Gaas oo…

Hogaamiyaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan dalka Itoobiya, kadib markii sida la sheegay ay dowladda itoobiya u yeertay, inakstoo aan la faahfaahin sababaha loogu yeeray.
Sida warku sheegayo Shariif Xasan Shiikh Adam ayaa shalay kulan gaar ah la qaatey wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom, waxayna Labada dhinac ka wada hadley arrimaha doorashooyinka Soomaaliya sanadkan 2016, iyo arrimo kale oo la xiriira amaanka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan kulankaasi ka hadlay ayaa dalka Itoobiya uga mahadceliyey sida ay Soomaaliya uga taageertey la dagaalanka al-Shabaab sida uu yiri, waxaana uu ka codsadey, in kor loo qaado taageerada dhanka Mileteri, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaah Dibadda ee Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay ka go'an tahay taageerada Soomaaliya, si loo helo nabad iyo deganaansho, madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa horey u taageeray go'aankii dowladda Federaalku ka gaartey nooca doorashooyinka, soomaaliya ka dhacaya, isagoo saxiixay in nidaamka 4.5 lagu galo doorashada, isagoo sheegay inaysan marnaba aqbaleynin wax aan ka aheyn nidaamka 4.5 ilaa inta la iska tiranyo dalka nabadii lagu soo celinayo.
Itoobiya waxaa weli ku sugan wefdigii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabndiweli Cali Gaas oo iyaguna kulamo la qaatey madaxda Itoobiya sida Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana ay ka wada hadleen nidaamka doorashooyinka dalka soomaaliya inkastoo aan la ogeyn in wax iska bedeleen qaabkii uu doonayey in loo galo doorashooyinka soo socda kaas oo ahaa nidaamka degaanka iyo gobolada
Ma cadda in doorka Itoobiya uu yahay dhex-dhexaadin labada dhinac ee kala hogaaminaayo nidaamka degmooyinka iyo kan beelaha ee 4.5 oo hadda Adis Ababa kuwada sugan,lamana oga in wax kulan ahi dhexmaray madaxda labada maamul ee puntland iyo K/galbeed kuwaas oo si weyn isugu khilaafay nooca doorasho ee soomaaliya ay qaadaneyso marka la gaaro dhamaadka sanadkan 2016-ka



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L0tWGT
via IFTTT

Mareykanka oo Soomaaliya ku daray liiska wadamada walaaca badan laga qabo, marka la eego dhanka…

Dowladda Mareykanka ayaa dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya ku dartay liiska dalalka walaaca laga qabo, marka la eego barnaamijka ogolaanaya in Visa la'aan lasoo galo Mareykanka (Visa Waiver Program), waaxda ammaanka gudaha ee Homeland Security ayaa shalay ku dhawaaqday talaabadan, oo dadka booqday dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya shanti sano ee lasoo dhaafay ku adkeyn doonta hanaanka lagu helo Visa-ha Mareykanka.
Xayiraad cusub ayaa la soo rogay iyadoo loo cuskanayo sharciga la ansixiyey ka dib weerarkii November ee Paris ee ay geysteen kooxda Islamic State ama Daacish, muwaadiniinta wadamada la saaxiibka ah Mareykanka oo markii hore Mareykanka usoo safri jirey Visa la,aanta ayaa hadda laga doonayaa in ay Visa ka dalbadaan qunsuliyada Mareykanka, hadii ay shanti sano ee lasoo dhaafay u safreen mid ka mid ah dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya sida warka lagu yiri.
Waaxda ammaanka gudaha ayaa sheegtay in shuruudaha cusub aysan si toos ah u saamayn doonin muwaadiniinta ka yimid dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya ee aan Visaha u baahneyn in ay Mareykan soo galaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta labada dhalasho heysta ee Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya.
Xanibaadan cusub ee helitaanka dal ku galka Mareykanka ayaa la soo rogey iyadoo hay'adaha ammaanka Mareykanka ay diirada ku hayaan qataraha ka iman kara dagaalyahanada shisheeye ee xagjirka ah,si loo adkeeyo fursadaha ay kooxdani u yeelan karto in ay ka faa'ideystaan dal ku galka aan adkeyn ee wadamada qaar ayaa mar kale qoraalka lagu yiri.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1otSRbt
via IFTTT

Wednesday, February 17, 2016

C/weli Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya

Hogaamiyaha maamulka Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kula kulmay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo xukuumadda itoobiya ka tirsan, wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Adhanom ayaa kulanka kadib sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay kulankooda kaga hadleen nooca doorasho ee ka dhici doonta dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan lagu jiro ee 2016-ka.
Sidoo kale Tedros Adhanom ayaa wuxuu intaasi ku daray in Xukuumadda Itoobiya ay Gacan muuqata ka geysanayso sidii Soomaaliya ay Xasillooni buuxda uga dhici lahayd, isla markaana ay taageerayaan doorashooyinka sanadkan ka dhici doona Soomaaliya sida uu yiri.
Adhanom ayaan sheegin nooca doorasho ee ay kawada hadleen isaga & madaxweyne Gaas iyadoo la Xusuusto in Madaxweynaha Puntland uu horay u diiday in uu Aqbalo in dalka ay ka dhacdo doorashada nooca 4.5-ka ah, taas oo uu xusay in dadka Puntland aysan ogoleyn doorashada noocaas ah.
Dhanka kale hogaamiyaha Puntland ayaan Faahfaahin ka bixin Qodobadii ay kulankan uga Wada-hadleen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom iyo weliba Saraakiisha kale ee ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ee ay wada kulmeen.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Mas'uuliyiinta Puntland ay ka diideen wafdi ka Socda beesha calaamka oo booqday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland inay ka Aqbalaan inay qaataan nidaamka doorasho ee 4.5-ka ah, iyadoo fashil uu ku dhammaaday kulammadii Puntland iyo Xubnihii k socday Beesha Caalamka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q2K2A0
via IFTTT

Ciidamada Kenya oo ka faarujiyey fariisinkii ay ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku soo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM inay a wareegeen Mas'uuliyadda sugida ammaanka garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen cutubto ka tirsan ciidanka Kenya oo isaga baxaya saldhigooda garoonka Kismaayo, isla markaana ay soo galayaan ciidanka Itoobiya, kuwaas howlgallo ka sameeyay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Mid ka mid ah dadka ku nool Kismaayo ayaa tilmaamay inaan la ogeyn sababta ciidanka Kenya uga baxeen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, balse loo malaynayo in salka ku hayso duqeymo Maalmihii la soo dhaafay lagu weerarayey dhismaha garoonkaasi oo qiyaastii 5Km u jira Kismaayo.
Xiriiro aan la samaynay saraakiisha maamulka Jubbaland si aan wax badan uga ogaano waxa keenay in garoonka diyaaradaha Kismaayo ay amaankiisa la wareegaan ciidamada ka socda Itoobiya ayeysan noo suuragelin, saraakiishuna way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaasi.
Ciidamado Itoobiya ayaa waxay dhawaan gaareen magaalada Kismaayo iyo Magaalooyin kale oo katirsan gobolada Jubbooyinka kuwaasi oo beladay ciidankii Siraliyoon ee ka baxay dalka Somalia dhamaadkii sanadkii 2014-kii, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gaartitaanka ciidanka Itoobiya ee Jubbooyinka ayaa ku micneeyay inay tahay sidii ay maamulkiisa gacan uga siin lahaayeen howlgal militari oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka hoosyimaado maamulkiisa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Wt0OZv
via IFTTT

Taliyihii laanta socdaalka Somaliland oo xilkii laga qaaday iyo mudaharaad ka dhacay Hargeysa

Col.Maxamed Cali Yuuusuf [ina Canbaro] oo ahaa taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa xaqiijiyay in xilkaasi laga qaaday iyadoona loo badalay la taliyaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha, sida uu u sheegay Tvga Horn Cable, xilka laga qaaday taliyihii waaxda socdaalka Somaliland ayaa la sheegay in loo dhiibay taliyihii isaga ka horreeyay Maxamed Cabdi Caalin {Dayib}.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilka qaadista taliyihii waaxda socdaalka Somaliland ay timid kadib ismaan dhaaf ka dhashay dadka ajaanibta ah ee laga saarayo Somaliland oo ay isku fahmi waayeen isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ku saabsan xil ka qaadistiisa oo ka soo baxay dhinaca wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shalay uu magaaladaasi ka dhacay mudaharaad ay dhigeen dad ka soo horjeeday dhismayaal ay dowladda hoose dumineysay kuwaas oo la sheegay inay wadada soo galeen,waxaana dadkaasi oo booliska kala hortagay dhagaax ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa si ay ukala dareeriyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa cadeeyay in hadda laga bilaabo bulshada ku dhaqan Somaliland aan loo adeegsandoonin xabad nool looguna badali doono suntan dadk ilmeysiisa si looga hortago khasaare soo gaara dadweynaha sida uu yiri.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Wt0Oca
via IFTTT

Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Yuganda

Qarax khasaare kala duwan geystay ayaa xalay ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda,waxaana qaraxaasi oo ahaa mid xoogan uu ka dhacay garooon kubadda lagu cayaaro oo ku yaala Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, xili halkaasi ay ka socdaan ololaha cod bixinta doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi.
Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhintay, 6 kalaena dhaawac helis ah ayaa soo gaaray qaraxaasi dad ku sugnaa Deganka Mengo ee Magaalada Kampala,waxaana jira in dadka wax ku noqday qaraxaasi ay ku jiraan caruur,iyadoo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi loo qaaday Isbitaalka Mulago si loogu daaweeyo.
Sida warku sheegayo Ciidamada Booliska Uganda ayaa deg deg ku tagay goobtii uu qaruxu ka dhacay waxayna xireen waddooyinka soo gala,iyagoo goobtaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan oo la xiriira qaabka uu u dhacay qaraxaasi iyo cidda geysatay.
Qaraxaasi xalay ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada kampala ee dalka ugandha ayaa ku soo aadaya iyadoo saacado un ay ka harsan yihiin u dareerista cod bixinta doorashada Madaxtinimo ee Dalka Uganda taas oo saaka oo khamiis ah ka bilaabaneysa guud ahaan dalka Ugandha, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada Qaraxan khasaaraha geystay oo xalay ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q2JY3j
via IFTTT

Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka badbaaday isku day dil iyo Wasiirka oo ka hadlay Bam loogu xiray gaarigiisa

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa shalay galab fashiliyey qarax miino oo lagu xiray gaariga wasiirka arrimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed,qaraxaasi oo isaga oo aan qarxin la arakay ayaa lagu guuleystay in la furfuro, waxaana Waxaana saacado kooban hawada laga saaray Isgaarsiinta magaalada Kismaayo.
Ciidamada amaanka ayaa markii ay qaraxa fashiliyeen kadib waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen labo askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in Qaraxa ay gaariga ku xireen, wasiirka oo la hadlay,warbaahinta waxuu sheegay ciidamada inay ka warheleen qaraxa gaariga lugu xiray,xilli uu yaallay goob uu markii horaba dhigan jiray, isna uu ku jiray gurigiisa.
"Dad aan shaki laga qabin ayaa qaraxa gaariga ku xiray,ciidamada oo ka shakiyay ayaana fashiliyay,waxaana lugu xiray xilli uu gaarigu yaallay goob aan horay u dhigi jiray,"ayuu yiri wasiir Maxamed Ibraahim.
Dhinaca kale,ciidamada ammaanka ayaa markii ay qaraxa fashiliyeen kadib waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen labo askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in Qaraxa ay gaariga ku xireen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q2JXfL
via IFTTT

Dabley weerar ku qaaday mid ka mid ah goobaha diiwaan-gelintu ka socoto ee gobolka Awdal

Dablay aan la garanayn ayaa shalay weerar ku qaaday mid ka mid ah goobaha ay Shacahku iska Diiwaan-galinayaan oo ku taalla Degmada Lugahaya ee Gobolka Awdal; iyadoo Dableydaasi ay si gaar ah weerarkooda ula beegsadeen Xarun diiwaan-gelin oo ku taalla deegaanka Saba-wanaag oo Degmada Lughaya ka tirsan.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in dablaydaasi oo watay Gawaari, ay rasaas ku fureen mid ka mid ah goobaha ay Diiwaan-galintu ka socotay, Waxayna Goobta la Weeraray ay 30-KM dhinaca Bari ka xigtaa degmada Lughaya ee Gobolka Awdal,waxayna dableydaasi ay hhasaare u geysteen gaadiid ay lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Gaadiid ay lahaayeen dad kale oo Shacab ah, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay afar gaari,iyagoo dhaawacay askari katirsanaa booliskii ilaalada ka ahaa goobtaasi la weeraray, kaas oo la sheegay in dhaawiciisu uu fudud yahay.
Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya halka uu weerarkaasi ka dhacay ayaa sheegaya in dablayda weerarka qaaday ay qaateen gabi ahaanba qalabkii diiwaan-galinta ee lagu shaqaynayay, balse waxaa laga badbaadiyay shaqaalihii ka shaqaynayay deegaanka Saba-wanaag oo ah halka uu Weerarkani ka dhacay oo ka tirsan degmada Lughaye.
Illaa hadda ma cadda ujeedada dablaydaasi weerarka ku qaaday mid ka mid ah goobaha diiwaan-gelintu ka socotay ee gobolka Awdal, waxaase jira warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in dableydaasi ay ka soo horjeeday in deegaanka saba-wanaag oo ah halka uu weerarku k dhacay la hoosgeeyo degmada lughaya,inkastoo aanay iyagu weli hadlin.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdulqaadir Iimaam Warsame ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dableydii weerarkan soo qaadday ay goobta ka baxsadeen, illaa haddana aan la ogayn halka ay aadeen,inkastoo maamulka Somaliland uu sheegay inay ku Daba-jirta dablaydii Weerarka ku qaaday mid ka mid ah Xarumaha Diiwaan-galinta degmada Lughaya ee Gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka saba-wanaag.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Wt0LwQ
via IFTTT