Sunday, February 14, 2016

Jen. Kizza Besigye: Siyaasad xumada madaxda dowladda Somaliya ayaa sabab u ah nabadgalyo darrada jirta

Xilli lagu wado inay todobaadkan ka dhaco dalka Yugandha doorashada madaxweyenimada oo ay ku tartamayaan sideed murashax oo mid ay tahay haweenay ayaa waxaa xalay dhexmartay dood kulul oo ay inteeda badan uga hadleen ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, murashaxiintan oo doodoodu ka baxeysay telefisihinka ayaa aheyd tii ugu horreysay oo uu ka qaybgalo madaxweynaha hadda xilka haya Yoweri Museveni.
Hogaamiyaha axsaabta mucaaradka ugu weyn Jen. Kizza Besigye oo ah nin ay aad isku hayaan madaxweyne Museveni ayaa ka hadlay ciidamada Yugandha ee ku sugan Somaliya, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo inay howlo nabad-ilaalin ah loogu diro Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladaha nabadgalyo xumada ah ee Somaaliya ka jira ay yihiin kuwo ka dhashay hogaan xumada madaxda dowladda Somaliya iyo siyaasiyiinta kale.
"Aniga waxay ila tahay in nabadgalyo darrada Somaaliya ka jira ay tahay mid ka dhalatay siyaasad xumada madaxda dowladda ee hadda jooga, marka haddii aad isku daydo inaad taageerto iyadoo siyaasaddu tahay mid aan wanaagsaneyn, waxay noqon kartaa mas'uuliyad darro aad sameysay" ayuu yiri Kizza Besigye.
Dhanka kale murashaxa kale ee ugu awooda badan mucaaradka Benan Braro oo isagyna awood badan leh ayaa kula taliyey Soomaalida inaysan ka sugin in wadankooda ay u dhisto Uganda, balse ay ogaadaan in iyaga looga baahanyahay inay dalkooda dhistaan, wuxuuna yiri "Kaalinta ciidanka AMISOM ee Somaaliya ku sugan waa inay abuuraan jawi ay Soomaalidu dalkooda ku dhisan karaan, balse ma garanayo waqti cayiman oo aan ciidamadeena kala soo bixi karno Somaliya".
Ugu dambeyn doorashada madaxnimo ee dalka Uganda ayaa waxay dhaceysaa Khamiista nagu soo fool leh, iyadoo doorashadan ay noqonayso tii ugu adkeyd ee soo marta Yugandha, isla markaana ay jiraan baqdin laga qabo inay ka dhshaan rabshado iyo gacan ka hadal.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OaS2t5
via IFTTT

No comments:

Post a Comment