Tuesday, February 2, 2016

Qarax ka dhacay gudaha diyaarad rakaab Muqdisho ka qaaday iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Laba ruux oo rabkaab ah ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen qarax ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo airline oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti, diyaaradda ayaa dib ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna si nabadgalyo ah ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyada oo qiiq badan uu ka baxayey mid ka mid ah garbaha diyaaradda.
Ilaa iyo hadda lama oga qaraxaas waxa uu ka dhashay iyo waxa uu ahaa, balse waxaa socda baaritaano la xiriira waxa uu ahaa qaraxaasi, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka & duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac {Jangeli} oo la hadlay warbaahinta.
"Qaraxa lama oga wuxuu ka dashay, balse waxaa gacanta ku haya baaritaanada arrintan la xiriirta ragga ku shaqada leh, mana doonEyno inaan ka hordhacno shilka dhacay, balse markii baariaanku dhamaado ayey arrintu soo baxeysaa oo baaritaanka ayaa soo saaraya" ayuu yiri Jangeli oo sheegay inaan la ogeyn sababta keentay qaraxa.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in diyaaraddu ku socotay dalka Jabuuti, ayna siday rakaab, wuxuuna intaas ku daray in laba ruux oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda saarnaa ay dhaawacmeen, isagoo yiri "Ahmiyadda ugu weyn waxay aheyd in shacabkii diyaaradda saarnaa la badbaadiyey, oo si duuliyuhu si nabadgelyo ah ayuu diyaaradda ku soo dejiyey".
Wasiirka oo la weydiiyay ma jirtaa cid ay uga shakisanyihiin ka dowlad ahaan oo ay leeyihiin ciddaas ayaan ka shakisannahay oo aan baaritaan ay ku sameynaynaa, wuxuuna ku jawaabay ""Baaritaanka ayaa cadeynaya wixii laga shakisanyahay, ha noqoto cillad dhanka farasamo ha noqoto ama wax kale ha noqotee, mana hordhaceyno".
Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho oo dib ugu soo laabata iyadoo cilladi ay ku qabsatay iyadoo hawada ku jirta, waxaana xusid mudan in diyaarad uu la socday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku ku sii jeeday dalka South Sudan 8-dii July sanadkii 2013-dii sidan oo kale qarax uu uga dhexdhashay, dibna Muqdisho ugu soo laabatay iyadoo qiiceysa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0lQPI
via IFTTT

No comments:

Post a Comment