Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorsheynayso inay is-hortaagto dacwaddii muranka badda ee ay u gudbiyeen mxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland, Dr. Axmed ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in muranka kala dhaxeeya Somaaliya ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in dacwadda haatan ay hor taalo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah oo ay ka galayaan.
"Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa muranka badda ee Kenya iyo Somaaliya u dhaxeeya, qaanuun ahaanna waxay aheyd in dowladda Kenya ay ka soo jawaabto, balse waxay keentay is horistaagaan anagana is hortaaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay" ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.
Sidoo kale xeerilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay ka go'an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda cadaaladda ee Heague.
Hadalka xeerilaaliyaha ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay qaab wadahadal ah in lagu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Somaliya, taas oo muddo fog soo jiitamaysay, ayna u gudbiysay dowladda Somaaliya dacwad ka dhan ah arrintaas maxkamadda cadaaladda.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://www.somaaljecel.com/wp/?p=37325
via IFTTT
No comments:
Post a Comment