Wednesday, February 10, 2016

Maamulka Buula-burte oo sheegay in Al-shabaab ay nin wadaad ah ku gowraceen deegaan hoostaga magaalada…

Maamulka degmada degmada Buula-burte ayaa ku eedeeyay xarrakada Al-shabaab in ay gowrac ku dileen nin Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray, Sheekh C/llaahi Sh. C/casiis – Deegaanka lagu magacaabo Jameeco Mubaarak oo ka tirsan degmada Buula-burte.
Duqa degmada Cismaan Geedi oo aan xiriir la sameynay ayaa u sheegay warbaahinta in saqdii dhexe ee habeen hore guri uu ka deganaa deegaanka Jameeco lagala baxay Sheekh C/llaahi Sh. C/casiis, kadibna lagu gowracay meel aan wax badan ka fogeyn hoygiisa.
Mar wax laga weydiiyey Duqa Buulo-burte Cismaan Geeddi sababta ay u Maleynayaa in loo dilay wadaadkaasi, ayuu sheegay in wax badan aysan arintaasi kala socon, laakiinse ay u maleynayaa in Al-shabaab ay u dileen raashin uu dhawaan keenay Degmada Buula-burte, madaama Al-shabaab ay ka mamnuuceen degmada in la geeyo badeeco aysan ka warqabin.
Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo arrintaasi xaqiijinaya oo ka soo baxay dhinaca xarakada Al-shabaab,sidoo kalena ma jirto cid ka madaxbanaan maamulka degmada oo xaqiijinaya in dilkaasi ay geysatay Al-shabaab.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QXhRkQ
via IFTTT

No comments:

Post a Comment