54 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa saxiixday Mooshin cusub oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,kaas oo shalay ay u gudbiyeen guddoonka sare ee baarlamaanka soomaaliya.
Xildhibaanada saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa isla shalay waxay Mooshinkaasi gacanta ka saareen Guddoonka Sare Baarlamanka Somaliya, waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ku tuntay dastuurka qabyo qoraalka Somaliya sida ay yiraahdeen.
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa uu isla shalay ku dhawaaqay in 54 ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ay soo gaarsiisay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, gudoomiyaha, ayaa caddeeyay in Mooshinkaasi uu yahay mid sax ah, bacdamaa sida uu sheegay ay saxiixday 54 ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Prof. Jawaari, ayaa iclaamiyay in maalmaha soo socdo ay Mooshinkaasi horkeeni doonaan Xildhibaanada, si ay kaga doodaan, eedeymaha ku xusan ee loo soo jeediyay madaxweynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka soo diyaariyay Madaxweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu amray in la baaro Xildhibaanada, taasoo ah buu yiri mid xasaanadda looga qaadaayo Xildhibaanada ayna tahay ku tumasho ku saabsan dastuurka dalka sida uu yiri.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay inay jiraan Xildhibaanno ka dhoofeyay Garoonka Aadan Cadde, oo si adag ay u baareen askarta ka howlgasha.
Mooshinkaasi laga soo gudbiyey madaxweynaha , ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, maalin kadib markii uu Madaxweynuhu hortagey Xildhibaanada, uuna u jeediyey khudbad uu uga hadlayey amaanka dalka, doorashooyinka 2016 iyo dhaqaalaha dalka,lamana oga halka uu ku dambeyn doono mooshinka cusub ee hadda laga soo gudbiyey madaxweynaha iyadoo horey mooshin laga soo gudbiyey uusan meelmarin kadib markii sida la sheegay lagu dhameeyey wahadallo kuwaas oo uu garwadeen ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya inkastoo xubno badan oo ka mid ahaa xildhibanadii mooshikaasi soo gudbiyey ay ka horyimaadeen qaabka loo dhameeyey
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Xf70W1
via IFTTT
No comments:
Post a Comment