Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka degmadaas ay halkaasi ka sameeyeen howgal lagu baadi goobayey dadkii ka dambeeyay dil ka dhacay degmada Afgooye, qofka la dilay ayaa lagu magaacabayey Farxiyo, waxana la sheegay inay murmreen koox hubaysan kadibna ay tooreeyen.
Lama oga dooda dhexmartay waxa ay salka ku heysay, balse saraakiisha ciidan ee degmada ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad joogan dadkii falkaasi ka dambeeyay, guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka degmada ayaa warbaahinta u sheegay in cadaaladda la horkeeni doono dadkii falkaasi ka dambeeyay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pw8xUG
via IFTTT
No comments:
Post a Comment