Tuesday, February 2, 2016

Ciidamada Kenya oo ka baxay degmada Baardheere iyo isgaarsiintii degmadaasi oo hawada laga saaray

Ciidamada Kenmya ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada AMISOM ayaa shalay ka baxay fariisimadii ay ku lahaayeem degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ciidamada Kenyaanka ayaa la sheegay inay ka guureen Baardheere, iyaga oo fulinaya amar ka soo baxay dowladdooda oo lagu amray inay halkaasi ka soo baxaan.
Fariisimihii ay baneeyeen ayaan la ogeyn inay buuxin doonaan saraakiisha Itoobiya iyo in kale, waxaase haawanaya xarumihii ay kaga sugnaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ciidamadii ka baxay Baardheere waxay u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelwaaq, iyagoo sii mari doona ciidamadooda ku sugan inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Baardheere sida deegaanada Faafaxdhuun, Tarako iyo Buusaar, kuwaas oo horay usi iraaci doona ciidanka kenya sida uu qorshuhu yahay, isgaarsiinta Baardheere ayaa hawada ka maqnaa muddo saacado ah sababo la xiriira inaan si fiican loola socon dhaqdhaqaaqooda kabixitaanka ee gudaha Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0m1ug
via IFTTT

No comments:

Post a Comment