Friday, February 5, 2016

Taliska AMISOM oo ka hadlay ciidamadoodii ka baxay magaalada Marka, sheegayna inay…

Qoraal kooban oo ay AMISOM soo dhigtay Barta ay Twitter-ka ku leedahay ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadooda ay si Farsamo ah uga baxeen degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose, inkastoo AMISOM aysan qoraalkoodan kooban ku magac-dhabin magaalada Marka ayaa haddana, waxay xuseen sheegeen in ciidamadoodu ay dib ugu laabanayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, ujeedkooduna uu yahay sidi ay Al-shabaab u burburin lahaayeen.
"Ciidankeennu Waqti dhow ayey Qorsheynayaan inay Saldhigyadoodii dib ugu laabtan , farsamadaana waa mid aan uga dan leenahay inaan ku jabino Al-shabaab" ayaa lagu yiri Qoraalka kooban ee AMISOM ay soo dhigtay Twitter-ka.
Warbixintan ay AMISOM soo dhigtay Boggooda Twitter-ka ayay ku xuseen in ay ka go'an tahay inay ciidamadu dib ugu laabtaan saldhiggyadoodii si ay u sii wadaan waajibaadkooda shaqo, hadalka AMISOM ayaa wuxuu imaanayaa xilli xarakada Al-shabaab ay shalay la Wareegeen gacan ku haynta Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeeellada Hoose, halkaasoo Al-shabaab laga qabsaday dhammaadkii 2012-kii
Saraakiisha Al-shabaab ayaa waxay shalay sheegeen in ciidamadoodu si buuxda ay gacanta ugu hayaan degmada marka ayna halkaasi ku soo dhaweeyeen dadweyne badan, mana aysan bixin faahfaahin intaasi dheer.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VXvXEk
via IFTTT

No comments:

Post a Comment