Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo u waraysi siiyey wargeyska kaaha bari ee ka soo baxa deegaanada puntland ayaa ka hadlay go'aanka ay Puntland tiigsan doonto haddii lagu adkeysto in Soomaaliya laga dhaqangaliyo 4.5.
Mr. Gaas waxa uu sheegay in Puntland diidmada nidaamka 4.5 kadib ay degsatay qorsho ay ku duulaan tagto kaasi oo uu sheegay inuu ka kooban yahay ilaa Seddex qodob oo isku miisaaman, sida uu hadalka u dhigay, waxa uu C/weli Gaas xusay in Puntland ay horyalaan talaabooyin laga sugaayo inay ku dhaqaaqdo kadib markii si cad oo ganbasho la'aan ah u qaadacday rabitaanka Dowlada Soomalia iyo Beesha Caalamka ee ku aadan hanaanka 4.5 ee la doonaayo in loo maro doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka.
Cabdiwali Gaas waxa uu soo bandhigay Sedex qodob oo Puntland u banaan haddii lagu adkaysto go'aankii Muqdisho lagu gaaray ee la xariiray in nooca doorasho noqoto 4.5, waxaana kamid ah qodobadaasi:
In maamulka Puntland ay u banaantahay misana u furan tahay inay gorgortan ka gasho 4.5.
in Puntland ay qaadan doonto go'aan kama danbeys ah oo ay kaga go'i doonto Soomaaliya, waa haddii uu arrinku sidaa kusii socdo
In gebi ahaan ay faraha kala baxdo qorshaha ay wadan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya, islamarkaana qaatan go'aan aysan uga qeybqaadan doonin doorashada dalka.
Cabdiwali Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay inbadan wajiga ka qarsatay Dowlada iyo Beesha Caalamka, balse hadda arrinka uu yahay mid kasoo gudbay Siyaasada oo lugta la gashay rabitaanka shacabka Puntland.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OaS6co
via IFTTT
No comments:
Post a Comment