Wafdi uu hoggaamiyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dib u dejinta qaxootiga ayna ka mid ahaayeen hay'adaha UN-ka iyo wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, iyaga oo kulamo la qaatay madaxda maamulka Jubbaland.
Wafdiga ayaa waxaa wehelinayey wasiirka Howlaha guud iyo dib u dejinta Soomaaliya iyo wasiiru Dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha,waxaana Markii ay magaalada kismaayo gaareen ay xarunta madaxtooyada Jubbaland kula kulmeen madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi
Labada dhinac inta badan waxay ka wadahadleen sidii la isaga kaashan lahaa dib u dejinta dadka ka soo laabanaaya xeryaha qaxootiga Kenya sidoo kale dadka ku barakacay gudaha dalka.
Wararka socdaalka wafdigaasi la xiriira ayaa sheegaya in Kulamada ay la yeesheen maamulka jubba kadib ay wafdigu booqdeen xerada barakacayaasha Beder waxayna indhahooda kusoo arken xaaladaha adag ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20HgNtF
via IFTTT
No comments:
Post a Comment