Tuesday, February 2, 2016

Qarax gaari lagu xiray oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta UNICEF ee Degmada Xamar-Jajab ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax gaari nooca raaxada ah lagu soo xiray kaas oo dhawaaqiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Sida warku sheegayo gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa waxaa lahaa nin la sheegay in u shaqeeyo mid kamid ah Hay'adaha NGO-yada,ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Shire, inkastoo aanu ninkaasi gaariga saarneyn xilliga uu qarxayey
warku wuxuu intaasi ku darayaa in Gaariga qaraxa ku xirnaa uu yaalay dibada sare ee guriga uu degan yahay ninka lala damacsanaa qaraxaasi kaas oo sida warku sheegayo ku jiray xilliga uu qaraxu dhacay gudaha gurigiisa.
Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ayaa gaaray waxyar ka dib halka uu qaruxu ka dhacay ,waxayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano la xiriira sababaha qaraxaasi dhaliyey iyo dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi ilaa hadda lama sheegin cid qaraxaasi loo qabtay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0lVCX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment