Friday, February 12, 2016

Wararkii ugu dambeeyay weeraray lagu qaaday ciidamada dowladda Somaliya ee ku sugan magaalada Marka iyo baaritaano laga sameeyay halkaas oo…

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/oose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Bambaanooyin nuuca gacanta laga tuuro ah ku weerareen Fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Marka, ruux goobjooge ahaa markii uu qaruxu dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in labo Qarax lagu weerary Saldhiga Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada marka,wuxuuna intaasi ku daray in uusan xaqiijin karin in qaraxaasi uu waxyeelo geystay iyo in kale.
Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen khasaaro balse ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ma oge inta uu la egyahay khasaarahaasi,waxaana la sheegay in kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen,inkastoo ciidamada dowladdu ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la ogeyn in dad lagu soo qabtay iyo in kale.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda iyo kuwa Maamulka Degmada Marka ee Gobolka Sh.Hoose oo ku aadan Qaraxayadaasi,waxayna arrintani ku soo aadeysaa iyadoo magaalada marko ay soomartay isbedelo kala duwan oo ku saabsan gacankuheynta magalaada oo dhowr jeer isbed bedshay tadobaadkii hore



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0RuL7
via IFTTT

No comments:

Post a Comment