Sunday, February 14, 2016

Madaxweyne Xasan: Haddii aysan Soomaaliya xasilin dalalka gobolka oo dhan iyo kuwa Afrika waxay ku jiri doonaan xasilooni darro, Waayo waxaa jira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ka Hadlayay shalay Shirka ka socda Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in dagaal-yahanada kooxda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan dagaaladooda ka billaabin Nigeria, Xasan Sheekh ayaa hadal uu shirka ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Musuq-maasuqa iyo Al-shabaab, uuna haatan Dalku Sameynayo horumarro dhinacyo badan ah, sida inay abuureen maamulka maaliyadda dalka.
"Haddii aysan Soomaaliya xasilin, dalalka gobolka oo dhan iyo kuwa Afrika waxay ku jiri doonaan xasillooni-darro. Waayo waxaa jira caddeymo la hayo oo sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahanada Kooxda Boko Haram lagu Tababaro Soomaaliya, markaas kadibna dib loogu celiyo Nigeria" ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri.. "Kooxaha mitidka ah waxaa ka dhexeeya xiriir adag iyo iskaashi mug weyn, sidaa awgeed inaguna waxaan ka doonaynaa Caalamka inay iskaashi nala sameeyaan si kooxahaasi loo jabiyo".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1KQuJtX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment