Sunday, February 28, 2016

Tarsan: Waa Mas’uuliyad laga cararayo in amniga Muqdisho lagu wareejiyo mamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dhaliilay qaabkii gobolka Banaadir loogu wareejiyay Amniga Caasimada, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aan dastuuri aheyn, Tarsan oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in aanay is qabin karin in Hey'addaha Amniga ay wareejiyaan Mas'uuliyadii saarneyd iyo inay awooda heystaan, taasoo uu ku tilmaamay in aanay aheyn arrin socon karta.
"Arintaas dastuuri ma ahan, dariiq loo soo maray oo sharci ah ma ahan, waxay rabaan Mas'uuliyaddii saarneyd ayey hay'adaha Amniga iska wareejinayaan, waxayna rabaan inay awoodiina ay heystaan, arrintaasna ma ahan mid socon karto" ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.
Mr. Tarsan ayaa cadeeyay in Gobolka Banaadir aanu xilligan u diyaarsaneyn dhinaca Amniga, isla markaana go'aanka la gaaray uu yahay mid si fudud loo gaaray.
"Gobolka Banaadir uma diyaarsana, Guddoomiyaheedana uma diyaarsana, nin amni ma ahan, waxay u muuqataa arrin Mas'uuliyadeeda laga faraxalanayo oo la rabo in Mas'uuliyada Amniga Ummadan in meel kale loo saaro, Amniga Qaranka waxaa Mas'uul ka ah Hey'adaha Amniga, iyagaa loo tababaray, loo maalgeliyay, loona qalabeeyay, marka inay dhahaan si fudud ayaan isaga wareejineynaa markii dhowr fashil dhacay, waxay doonayaan inay dhahaan annaga yaa nala weydiin, wixii dhaca, waa fakasho Mas'uuliyad lagala cararayo"ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa kula taliyay Mas'uuliyiinta Hey'adaha ammaanka in haddii ay rabaan inay Mas'uuliyada amniga wareejiyaan inay istiqaalad dhiibaan oo ay is casilaan.
"Dalka oo dhan kama shaqeeyo, Hey'adaha Amniga meesha ay joogaan oo ay ku howl galaan waa Muqdisho, markaa haddii ay maanta dhahaan Muqdisho ayaan ka tagaynaa, gobol kale ayaan aadaynaa waxay la mid noqoneysaa sheekadii aheyd waan soconweynaye aan orodno"ayuu yiri Tarsan.
Mar la weydiiyay in xilligii uu xilka hayay inuu dalbaday in Laamaha Amniga Gobolka Banaadir la hoos-keeno ayuu xusay inuu horay u rabay in wada shaqeyn dhanka Amniga lagala shaqeeyo, balse Wasiirkii Amniga ee xilligaas iyo Taliyeyaashii Ciidamada ay u qaateen in awoodooda uu la wareegayo.
"Aniga waxaa rabay wada shaqeyn, waxaan la'aa wax ila shaqeeyo, wax si joogto ah amniga iila garab-taagnaa ma jirin, marka dhahay aan wada shaqeyno ayay ii qaateen inaan shaqadooda qaadanayo, waxay i hordhigeen caqabado fara badan, Wasiirkii Amniga iyo Taliyeyaashii Amniga waxay is dhaheen ninkan awoodiina ayuu rabaa inuu qaato, anigana waxaan dalbayay inaan kawada shaqeyno Amniga magaalada"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tarsan.
Waxaa uu sheegay in hadii degmo kasta amnigeeda si gooni u sugan lahaayeen ay magaalada Muqdisho amni noqon laheyn, isagoo xusay in loo baahan yahay in bulshada degmo kasta amniga lagala shaqeeyo,hadalka hadda ka sooyeeray laamaha amnigana waxaan u arkaa in Mas'uuliyad laga cararayo, hadhowna meel kale loo saariyo wixii dhaca.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RyZCT9
via IFTTT

No comments:

Post a Comment