Monday, February 1, 2016

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga ah

Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa shalay xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan,waxaana kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada dal guddiga wadajirka ah ee is-kaashiga labada dal ee Joint Commission of Cooperation (JCC) wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar oo heshiiskaasi u saxiixay dhanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay Soomaaliya Wax badan ka kororsan doonto heshiiska ay kala saxiixdeen labad dal.
Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen Sanadkii 2005-tii uu yahay mid shantii Sanadoodba dib u eegis lagu sameynayo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.
Dhinaca kale Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Aamina Maxamed Jibriil oo Heshiiska u Saxiixday dalkeeda ayaa iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.
Heshiiskaasi guddiga wadajirka ee iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirada kadib waxa uu dhigayaa in ansixinta heshiiskaasi si uu dhaqan-gal u noqdo, loo baahan yahay inay meel-mariyaan madaxweynayaasha labada dal,waxaana la filayaa in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay qalinka ku duugaan heshiiskan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QDIBqy
via IFTTT

No comments:

Post a Comment