Wednesday, February 10, 2016

Dowldada Ingiriiska oo ku amartay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya iyo cabsi ka jirta in…

Wasaarada arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa ku amartay muwaadiniinteeda inaysan u safrin dalka Soomaaliya oo ah dal ay dad badan oo haysta dhalashada Ingiriiska ay booqdaan toddobaad walba, warbixin ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in ay muwaadiniinteeda uga digayaan inay tagaan guud ahaan dalka Soomaliya oo ay ku jirto Somaliland balse warbixintaasi ayaa lagu sheegay in arrimo muhiim ah haddii ay jiraan in la booqan karo magaalyinka Hargeysa iyo Berbera.
Digniinta ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa ku soo beegmaysa kadib markii 2dii bishan Febraayo uu qarax ka dhexdhacay diyaarad ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas ooh al qof ku dhintay,labo kalena ay ku dhaawacmeen inkastoo dadkii kale ee la socday ay badbaadeen oo iyaga oo nabadqaba ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QXhS8B
via IFTTT

No comments:

Post a Comment