Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa beeniyay in la hakinayo duullimaadka diiyaaradaha isaga gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Jangeli ayaa sheegay in Hadaladii kasoo baxay Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud aysan waxba ka jirin oo uu ahaa mid isaga u gaar ah.
Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow ayaa warbixin uu soo saaray doraad ku sheegay in wixii 22-ka bishan Feberaayo ka dambeeya la joojinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa isaga gudbi jiray maalin walba.
Sidoo kale, Jen. Gaafow ayaa sheegay in Somaliland ay Dadka u safra u jarto warqad dib ugu laabasho deegaan ah (Go Home), isla markaana lacago aad u fara badan laga qaado, isagoo xusay inaanay taasi sharci ahayn, isla markaana aanu ahayn duulimaadka noocan ah mid caalami ah oo uu yahay mid gudaha ah.
Dhanka kale, Wasiir Jangali ayaa xusay in arrintaas aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in go'aankaas uusan dhaafsiisanayn taliyaha, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya. "Ma jiro wax duullimaad ah oo la joojiyay, balse taliyuhu wuxuu yiri bisha 22-ka howlo ayaa noo socda, waxaana dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, laakiinse diyaarado la joojiyay ma jiraan."
Ugu dambeyn, Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheeegtay in tallaabadani tahay mid u taalla Dowladda Soomaaliya, haddii ay joojinaanna ay sii wadi doonaan duullimaadyada dhankooda, haddii ay fasaxaanna ay soo dhaweyn doonaan.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20HRZhs
via IFTTT
No comments:
Post a Comment