Sunday, February 14, 2016

Afhayeenka Issimada Puntland oo beesha caalamka ugu baaqay in xilka laga qaado ergayga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid, ayaa kahadlay wixii ay Isimada Puntland kala kulmeen Qaramada Midowbay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo dhawaan Garoowe tagay,halkaasina kulamo kula yeeshay xubnaha maamulka puntland,siyaasiinta ,odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah
Garaad Ciid wuxuu sheegay in danjire Keating uusan ula imaan wax uqalma puntland iyo booska ay Soomaaliya kajoogto, wuxuuna tilmaamay inuu mar hore ku fashilmay siyaasadda Soomaaliya, ergayga ayuu ku eedeyey Garaad Cabdulaahi in uusan dhexdhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, loogana baahan yahay beesha Caalamku in ay garowsadaan khaladaadka ay galayaan Wakiilada ay u soo dirsanayaan Soomaaliya.
Ugu dambayntiina garaadka ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay xilka ka qaado wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OaS1Wh
via IFTTT

No comments:

Post a Comment