Wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbalanad oo hubkooda wata ay ku biireen Xarakada Al-shabaab, ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 10 askari ayaa ku jiray xerada ciidamada Jubbaland ee Kulmiyow, waxaana ay ku biireen Shabaabka jooga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi Jubbada hoose.
Sargaal ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay in Ciidamada Al-shabaab u goostay uu hogaaminayo, saraakiisha amniga Jubbaland weli kama hadlin wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland, qaar ka mid ah ay Shabaab ku biireen.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ka soo goostay maamulka Axmed Madoobe ay isku soo dhiibeen, isla markaana ay si fiican u soo dhaweeyeen.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1oAY6GB
via IFTTT
No comments:
Post a Comment