Saturday, February 13, 2016

Ciidmada dowladda Soomaaliya oo baxay deegaan ay Al-shabaab shalay un kala wareegeen iyo Al-shabaab oo dib ula…

Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa sheegay inay dib uga baxeen deegaanka Buurweyn ee gobolka hiiraan halkaasi oo shalay subax ay sheegeen inay kala wareegeen xarakada Al-shabaab, sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya ee gobolka hiiraan ayaa sheegay in dagaal aad u xoog badani uu ka dhacay deegaanka Buur weyne kadib markii ay Al-shabaab labo weerar ku soo qaadeen ciidamadoodii ku sugannaa deegaanka buurweyn,wuxuuna intaasi ku daray inay si iskood ah halkaasi ugu baxeen,islamarkasna aysan labada dhinac midkoodna haysanin deegaanka buurweyn sida uu yiri
Sarkaalkaasi oo laweydiiyey sababta ay uga baxeen deegaanka Buur weyn mar haddii ay horey u sheegeen inay kala wareegeen Al-shabaab ayaa sheegay in labo arrimood ay halkaasi uga baxeen,kuwaas oo uu ku kala sheegay iyadoo ciidamadii halkaasi ka joogay ay aad u yaraayeen iyo iyadoo sida uu yiri aysan deegaankasi markii horeba u tagin inay saldhig ka dhigtaan wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadoodii ku sugnaa buurweyn ay weeraro xooggan ku soo qaadeen Al-shabaab kadibna ay xeelad dagaal uga baxeen,isagoo xusay in hadda labada dhinac aanu midkoodna ku sugneyn buurweyn ,ilaa haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo kaas oo ku aaddan xaaladda deegaankaasi kadib dagaaladii halkaasi ka dhacay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pw8vwc
via IFTTT

No comments:

Post a Comment