Tuesday, February 16, 2016

Al-shabaab oo goob fagaare ku toogtay nin ay ku eedeeyeen basaasnimo

Xarakada Al Shabaab ayaa shalay xukun dil ah waxa ay ku fuliyeen nin ay ku eedeeyeen basaasnimo, waxayna toogashada ka dhacday fagaare ku yaala deegaanka Ceelwarre ee gobolka Hiiraan, Barre Xasan Dhoore oo 48 jir ahaa, ayey Maxkamadda Al Shabaab ee gobolka hiiraan ku xukuntay xukun dil ah, ka dib markii ay ku eedeysay inuu la shaqaynayay Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Ciidamada AMISOM.
Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan oo boqolaal ruux kula hadlayay fagaarahaasi, ayaa sheegay in Barre Xasan Dhoore uu basaasi jiray dagaalyahanada Al Shabaab iyo hubka ay haystaanba, qaadiga ayaa sidoo kale sheegay in Barre Xasan Dhoore Maxkamadda uu ka hor qirtay inuu u shaqaynayay ciidanka AMISOM, sidaasi daraadeedna ay Maxkamaddu ku xukuntay xukun dil ah.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Mire oo xarakada Al Shabaab madax uga ah Gobolkaasi Hiiraan ayaa fagaaraha deegaanka Ceelwarre ka sheegay inaanan la dhaafi doonin shakhsi kastaa ee bixinaya sirta Al-shabaab,wuxuuna intaasi ku daray inay gacan adag ku qaban doonaan dadka uu sheegay ee bixinaaya macluumaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Sxbqsb
via IFTTT

No comments:

Post a Comment