Ammaanka garoonka diyaaradaha ee magalaada muqdisho ayaa si aad ah loo adkeey kadib qarixii 2-dii bishan ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Laptop ku jiray waxyaabaha qarxa oo uu qof ka mid ah rakaabka diyaarada watay, waxaan garoonka lagu soo kordhiyey qalab cusub iyo eeyo uriya waxyaabaha qaraxa.
Ammaanka garoonka ee la adkeeyey waxaa kale oo uu ka dambeeyey amar ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aad loo adkeynayo ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya garoonka loo baarayey si adag oo ka duwan qaababkii hore.
Sida warku sheegayo Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRT ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanada, iyagoo adeegsanaya eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana dadka ka dhoofaya garoonka ay marayaan goobo kala duwan oo lagu talo galay in dadka lagu baaro.
Dadka wata Laptopyada ayaa la marinayaa baaritaano kala duwan,waxaana Laptop-ka oo daaran la dhex marsiinayaa mashiinada wax lagu baaro, inkastoo aanay kala cadeyn in mashiinka lagu baaro dadka uu ku guuldareystay iyo in kale Laptop-kii loo adeegsaday qaraxii diyaarada, kaas oo warar horey u soo baxay ay sheegayeen in kaamarada waxduubta ay muujisay iyadoo halka diyaardda laga raaco agteeda loogu dhiibayo qof kamid ahaa rakaabkii diyaardda,halka warar kale ay iyana sheegayaan inta badan Mashiinada yaalla garoomada ku yaalla Afrika aanay aheyn kuwo ogaan kara qaraxyada nooca TNT loo isticmaalo.
Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabooyinkan cusub ee ay ku soo kordhisay ammaanka garoonka diyaaradaha ku dooneysa inay dib ugu soo celiso kalsoonidii ammaanka garoonka, si uu ula heer noqdo garoomada caalamiga oo kale.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1oyIOSV
via IFTTT
No comments:
Post a Comment