Wararka laga helayo degmada Marko ayaa sheegaya inuu doraad duleedka degmadaas iska-horimaad ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Somaliya oo taageero ka helayey kuwa AMISOM, iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Buufow-bacaad Qiyaastii 3-kM ka xiga Marko dhanka Waqooyi. iyadoo dagaalkaasi uu qarxay markii Al-shabaab ay weerareen ciidamo millateriga Soomaaliya ka tirsan kuwa AMISOM oo Xamar ka tagay.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buufow oo ay marto wadada labaad ee Marka dhinaca bacaadka ka gasha, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha labadan dhinac soo kala gaaray.
Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macallin oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Buufow-bacaad, isla markaana ay ku hayaan gacanta deegaankaas ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Guddoomiyaha Marka ayaa ku adkeystay inay gacanta ku hayaan Magaalada Marka, laakiinse Wararka dadka Deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in xoogag taabacsan Al-shabaab ay wali magaalada ku sugan yihiin.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in dagaalkii ka dhacay buufow ay khasaare xooggan ugu geysteen ciidamada dowladda ayna halkaasi ku gubeen hal gaari mid kale ay dagaalkaasi ku qabsadeen sida ay yiraahdeen.
Labadii Casho ee u dambeeyay ayaa gacan ku haynta Degmada Marka Waxaa isku bedelay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidmada Al-shabaab halka kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Marka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1La4nOg
via IFTTT
No comments:
Post a Comment