Monday, February 1, 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shirkadaha waa weyn ee dalka Itoobiya waxaan u soo jeedinay inay maalgashadaan Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Desalegn ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, kulankaasi ayay labada hoggaamiye kaga hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada Ammaanka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Kobcinta Kaabeyaasha dhaqaalaha sida lagu sheegay war ka soo baxay kulankooda kadib
Dhanka amniga gobolka ayaa waxay labada hoggaamiye hoosta ka xariiqeen muhimadda isku-dubaridka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyadoo bishan dhamaadkeeda ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kulan ku yeelan doonaan magaalada Jabuuti,kulankaasi oo dib loogu eegi doono howlgalka AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxda itoobiya uu kala hadlay arrimaha Amniga iyo siyaasadda soomaaliya ,sidoo kalana uu kala hadlay arrimaha IGAD gaar ahaan howlgalka AMISOM iyo qodobo kale,wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale uu kala hadlay Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Desalegn dhinaca dhaqaalaha iyo iskaashi dhexmara labada dal
"Soomaaliya oo haatan kasoo kabsanaysa colaado muddo dheer kasoo socday, waxay diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada-qabsi buuxa la yeelato dalalka gobolka"ayuu yiri xasan sheikh oo intaasi ku daray in shirkadha waaweyn ee dalka itoobiya uu usoojeediyey inay maalgashi ku sameystaan dalka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo isna kulankaasi kadib hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya gaartay sid uu yiri , wuxuuna intasi ku daray in dalkiisu uu doonayo inuu Arko Soomaaliya oo si buuxda u soo kab-satay, gobolkana kala shaqeysa amniga, iyo la-dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagaxisada, iyo sidoo kale iskaashiga dhaqaalaha iyo Adeegyayada kale ee horumarinta.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galabtii kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaalkii uu ku tagey magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo uga soo qeybgalay shirkii madaxeedkii AU-da.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QDIATB
via IFTTT

No comments:

Post a Comment