Friday, February 5, 2016

Magacyada rag Soomaali ah oo ay dowladda Kenya ku xukuntay inay bixiyaan malaayiin lacagta Kenya ah

Afar muwaadin oo udhashay dalka Soomaliya ayaa lagu xukumay ganaax dhan 5.5 milyan oo lacagta Kenya ah ama 10 sano oo xarig ah, kadib markii sida la sheegay ay dalka Kenya si sharci daro ah ku joogeen isla mar ahaantaana ay heysteen fiisooyiin qaab sharci darro ah lagu qaatay.
Booliska Kenya ayaa Axadii lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mandheera ka qabtay 4 qof oo Soomaali ah oo doonayay inay u dhoofaan magaalada Nairobi,kuwaas oo kala ahaa 2 dumar ah iyo 2 rag ah waxaana lagu qabtay baasabooro Soomaali ah oo ay saarantahay fiisooyin Kenyan ah.
Booliska Kenya ayaa waxay sheegeen in 4-taasi soomaalida ah markii la su'aalay qaabkii ay ku heleen fiisooyinka ay ka jawaabi waayeen waxaana laga soo xigtay inay sheegeen in lagu siray oo loo sheegay in Nairobi ay ku tagi doonaan visaha la siiyey iyagoo wata basaboorka Soomaaliya.
Booliska Kenya waxay kale oo sheegeen in xubno kamid ah Booliska Kenya iyo mid ka mid ah shirkadaha gooya tikidhada duulimaadyada magaalada Mandheera ay howshaasi fududeeyeen, iyadoo sidoo kale booliska dadkaasi soomaalida ah gacanta kuhayaahi ay ku doodeen in 4-taasi xubnood ee soomaalida ahi ay qirteen labada dambi ee loo haysto oo kala ah in marka hore dalka Kenya ay sharci daro ku joogeen iyo marka xigta ay si sharci daro ah ku qaateen viisooyin.
Magacyada afarta ruux ayaa lagu kala sheehay Sakiriye Cabdulaahi Axmed, C/qaadir Shariif Cabdinuur,Ubax Cabdiraxmaan Xasan iyo Fadaumo Canshuur Maxamed.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VXvZMn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment