Monday, February 29, 2016

Axmed Madoobe: Waa in xarumaha ay ilaaliyaan AMISOM laga qaado, ciidanka Soomaalida lagu wareejiyo

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha ammaanka ee dalka iyo qaraxyadii doraad ka dhacay magaalada Baydhabo, Axmed Madoobe ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ammaanka uu faraha ka sii baxayo, isagoo ku dhaliilay in Soomaalida qeyb ka yihiin, maadaama ay ku tashadaan keliya Ciidan shisheeye.
"Arrinta amniga maalmahan aad ayuu hoos ugu sii socdaa, dhibka inta badan Soomaalida ayaa leh, waayo ciidamo shisheeye baan wax ka sugnaa, waxaa la rabaa in la abaabulo ciidanka Soomaliyeed, waana inay isku tashtaan oo ay xisaabtamaan" ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya xarumaha dowladda iyo xarumaha kale ee maamul goboleedyada laga qaado, laguna wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, si la isugu tashado, isla markaana amniga uu ka bilowdo iyaga .
"Waxaa talo ahaan u soo jeedinayaa in Ciidamada AMISOM ee waardiyeynaya xarumaha muhiimka ah laga qaado, gaar ahaan ha laga bilaabo Villa Somalia, in ciidan Soomaaliyeed oo dhisan lagu wareejiyo, waxaa u baahanahay waa amni oo dib loo xisaabtamo, lana isku tashado.
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ku dhaliilay beesha caalamka inay ka gaabinayaan dhismaha ciidan Soomaaliyeed, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada inay amniga dib looga fikiro, ciidamada Soomaaliyeedna la howl geliyo.
Mar uu ka hadlayay weerarkii Baydhabo ayuu sheegay inuu ahaa mid shacab aan waxba galabsan oo ciyaar daawanayay lagu xasuuqay,wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya "Shalay Baydhabo xasuuq ayaa ka dhacay, dad ciyaaro daawanayey ayaa la qarxiyay, nimankaan waa cadow, si toos oo cadawtinimo leh in loola dagaalamo ayaa la rabaa, laakiin dhibka na heysta wuxuu yahay qabyaalada ,maanta markii kii nin Shabaab ah la soo qabto reer hebel waaye iyo cudur daar lagu sii deynayo ayaa la sameynayaa, markii uu ku dilayo reer ma ahan arxan ma lahan, marka la qabtana reer iyo qabiil ayaa la rabaa in lagu sii daayo"ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ugu dambeyn hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo shirkii ka dhacay Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkiisa jaraa'id uu diirada ku saaray xaalada amniga dalka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UvL8pS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment