Wednesday, February 3, 2016

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka mid noqonaya howlgalka AMISOM, kana imaanaya dalka…

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya keenayso ciidamo ka tirsan malateriga dalkeeda oo si gaar ah u tababaran kuwaasoo ay sheegtay in ay ka qayb qaadan doonaan howlglada ciidamada AMISOM, general chris magesi oo ah afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi oo qaba tababaro casri ah la diri doono dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan xarakada Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Afhayeenka ciidamada ugandha ma sheegin waqtiga ay ciidamadoodu iman doonaan dalka soomaaliya, saraakiisha ciidamada dalka ugandha ayaa dhowr jeer ooh ore sheegay inay soomaaliya geynayaan ciidamo ka duwan kuwii horey uga joogay dalka soomaaliya kuwaas oo qaba tababaro aad u sareeya,iyadoo sidoo kale horey u sheegtay inay ciidamo kuwa cirka ah oo ka socda dalkeeda ay soomaaliya u direyso,kuwaas oo ilaa hadda aan soo gaarin dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya ayaa doonaya inay wax weyn ka bedelaan ciidamadood ku sugan soomaaliya kadib markii ay Cabsi xooggani ka soo wajahday weerarada Al-shabaab ay ku qaaddo fariisimada ciidamadooda ku sugan gudaha soomaaliya taas hadda bilowday inay saldhigyada Ciidamada AMISOM u weerarto qaab qorsheysan oo ka waxyeelo badan weeraradii hore ,waxaana jira kulan dhawaan ka dhacaya dlka jabuuti oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya waxaana waxyaabaha kulankaasi looga hadlayo ka mid ah in qaabkii hore ee ay ciidamada AMISOM u howlgeli jireen wax laga bedelo
Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa weeraro Khasaarooyin badan gaysta waxaa ay kala kulmaan Al Shabaab iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ay Al Shabaab ka fuliyeen deegaanka Ceelcade ee gobalka Gedo halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan milateriga dalka Kenya, hlka nolosha ku qabteen kuwo kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1o8oAiL
via IFTTT

No comments:

Post a Comment