Tuesday, February 2, 2016

Ganacsade caan ka aha deegaanada Puntland oo xalay lagu dilay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay fiidkii la dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Xirsi Aadan (xirsi Addunyo) kaas oo caan ka haa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada boosaaso oo uu ku lahaa ganacsiyo kala duwan, waxaana sida la sheegay dilkiisa geystay rag aan haybtooda lagaranin oo goobta ka baxsaday.
Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay ganacsadahaasi iyo cidda dishay midna,iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay inay iyadu dilkaasi ka dambeyso,waxaana sida warku sheegayo dilka kadib goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwa maamulka puntland kuwaas oo halkaasi ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka ganacsadahaasi.
Dilka oo ka dhacay hotelka Karama Bosaaso ayaa yimid xilli doraad magalada ka dhaceen rabashado sababay dhimasho iyo dhaawac taasoo markii dambe dhalisay in ciidamada ammaanka weeraraan guriga gudoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, kaas oo maamulka puntland ku eedeeyey inuu ku lug lahaa qalalaasaha ka dhacay xarunta gobolka Bari.
Sida warku sheegayo Ganacsadaha la dilay ayaa waxuu qaraabo dhow la ahaa madaxweynaha Puntland, wuxuuna kusoo beegmay dilkiisu xilli madaxweynaha puntland uu shir la lahaa waxgarad ka soo jeeda guddoomiyihii hore ee gobolka bari C/samad maxamed Gallan kaas oo ka socday xarunta madaxtooyada Bosaaso, lamanan oga in dilka ganacsadahaasi uu xiriiro lala leeyahay rabshadihii doraad magalada boosaso ka dhacday iyo in kale.
Xirsi Adduunyo ayaa muddo dheer ka ganacsan jirey Shidaalka, waxaana uu kamid ahaa ganacsatada soo dejisa Shidaalka, Waxa uuna sidoo kale sameeyey Xarun weyn oo Shidaalka lagu iibiyo Sidoo kale dhawaan waxa uu banaanka Bosaso ka dhisey Wershad Biyaha safaysa oo la yiraahdo Hubaal Water.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UIv0zo
via IFTTT

No comments:

Post a Comment