Tuesday, February 2, 2016

Maamulka degmada Balcad oo sheegay inay hayaan meydka qof ka dhacay diyaaraddii uu qaraxa ka dhacay gudaheeda

Maamulka degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay hayaan meydka nin loo malaynayo inuu ka soo dhacay diyaaraddii shalay si degdeg ah ku soo fariisatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii qarax aan la aqoon waxa sababay uu ka dhexdhacay gudaha diyaaraddaasi oo daqiiqado ka hor inta aanu qarxu dhicin ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamuud Maxamed Axmed {Saneey} ayaa sheegay in ninka meydkiisa ay ka heleen dhul miyi ah oo aan ka fogeyn degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe,wuxuuna isagoo arrintaasi ka sii hadlaya uu yiri "Wax calaamad ah oo lagu aqoonsado meydka ninka la arkay oo ah nin oday ah ma jiraan, wax dukuminti ahna lagama helin waayo jirkiisu wuu googo'ay" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Balcad.
Dadka ku nool deegaanka laga helay meydka ayaa waxa ay sheegeen in ninka meydka ah inuu ka soo dhacay diyaarad ku socotay magaalada Muqdisho xilliga ay arkeenna uu qiiq laga arkayay mid ka mid baallaha ay diyaaraddu ku duusho
Ilaa hadda maamulka diyaaradda iyo dowladda soomaaliya ma xaqiijin jirtiaanka ninka la sheegay in uu ka dhacay diyaaraddaasi shilku qabsaday,waxayna maamulka balcad sheegeen in meydka ninkaasi ay ku wareejinayaan dowladda Soomaaliya sida ay yiraahdeen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UIuVM9
via IFTTT

No comments:

Post a Comment