Wasiirada Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa waxaa lagu wargeliyay in maalinta Talaadada ee soo socota ay horyimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, u yeeritaanka wasiiradaasi ayaa waxay ka dambeysay markii xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ay kulankii baarlamaanka ee shalay ka hor sheegtay inay qabaan su'aalo iyo cabasho la xiriirta, qorshihii todobaadkii hore uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriiray in la baaro xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, marka ay ka dhoofayaan Garoonka Aadan Cadde.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo ka jawaabaayay soo jeedinta xildhibaanad khadiija Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in arrintaasi loo baahan yahay inay ka jawaabaan wasiirada ku shaqada leh.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in wasiiradaasi maalinta Talaadada oo taariikhdu ay ku beegan tahay 16-ka bishan laga doonaayo inay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka, si ay kaga jawaabaan su'aalaha Xildhibaanada, inkastoo Madaxda dowladda Soomaaliya aanay si rasmi ihi ugu dhawaaqin in laga laabtay baaritaanada xildhibaanada, ayey hadana kulan ay yeesheen isku waafaqeen in laga noqdo baaritaanadaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ayaa waxay qaarkood si xoogan uga caroodeen soojeedintii ka timid madaxweynaha soomaaliya Xasan sheikh ee aheyd in macaa isaga oo ah madaxweynaha dalka baaritaan lagu sameeyo, waxayna xildhibaanadu soojeedintaasi ku tilmaameen mid ka dhan ah xasaanadooda xildhibaanimo.
Dastuurka u yaalla dowladda soomaaliya , ayaa waxaa uu amrayaa inaanan la baari karin, lana taaban karin oogada Mudanayaasha Baarlamaanka, gaaadiidkooda ,iyo hoyga ay deganyihiin ,iyadoo soo jeedintii madaxweynaha saacado kadib ay 54 xildhibaan guddoonka baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OaS18J
via IFTTT
No comments:
Post a Comment