Monday, February 1, 2016

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay guriga Guddoomiyihii hore gobolka Bari oo la weeraray iyo iska horimad ka dhacay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaaden aqalka Gudoomiyihii hore ee Gobobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, halkaasina uu ka dhacay iska horimaad ay ku dhaawacmeen 3 ruux kadib markii ciidamo ilaalo u ahaa guddoomiyihii hore ay ka hortageen ciidamada puntland ee weerarka ku qaaday guriga uu deganaa guddoomiyihii hore ee magaalada Boosaaso.
Sida warku sheegayo Weerarka ay ciidamada puntland ku qaadeen hoyga guddoomiyihii hore ee magaalada boosaaso ayaa kadambeeyey, kadib markii shalay magaalda Bosaso ay ka dheceen banaanbaxyo rabshado watay, oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawacmeen ,kadibna maamulka magaalada boosaso ay ku eedeeyeen inuu soo abaabulay guddoomiyihii hore.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Gudoomiyihii horre Gallan in intii uu weerarku socday uu guriga ka baxsaday balse lbo ilaaladiisii ka tirsani ay ku dhaawacmeen iska horimaadkii halkaasi ka dhacay, iyadoo weerarka dib ay ciidamada maamulka puntland gudaha ugaleen hoyga guddoomiyihii hore ee boosaso kadib markii ay awood ku jiireen ciidamada ilaalada k ahaa, halkaasina ay ka soo qabteen sida ay sheegeen gaari tikniko ah iyo hub kale oo uu guddoomiyiihii hore heystay balse uu isagii baxsaday intii ciidamadu howlgalka ku jireen.
Ilaa hadda lama caddayn halka uu aaday gudoomiyihii hore gobolka Bari, waxaase booliska magaalada sheegeen inay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan isaga iyo xubno kale oo ay sheegeen inay ku wehliyeen ababulka banaanbaxaasi rabshadaha watay ee keenay khasaaraha kala duwan.
Gallan ayaa horray u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Gaas, iyo dhismaha maamulka magaalada Boosaaso waxaana tallaabadaasi keentay in isaga lagu eedeeyo inuu soo abaabulay dhlinyrada sameysay banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay magaalada Boosaaso.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QDIzz1
via IFTTT

No comments:

Post a Comment