Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo dhinac ah ayaa shalay ka dhacay waqooyiga magaalada magaalada Kismaayo, waxaana dagaalkaasi la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Buulo-Gaduud iyo Yoontooy ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhexmaray labada dhinac,ilaa haddana lama oga khasaaraha dagaalka, inkastoo la sheegayo inay jiro khasaare kala duwan oo dagaalkaasi ka dhashay.
Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan dagaalkaasi ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka jubba iyo kuwa Ethiopia ay gabaldhicii xalay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo, sababo aan la faahfaahin,waxaana jira warar sheegaya in mid kamid ah gadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada huwantu uu burbur xooggan soo gaaray kadib markii lala helay xabad ka dhacday qori weyn kaas oo ka yimid dhinaca Al-shabaab
Sarkaal ka tirsan maamulka jubba ayaa sheegay inay si iskood ah isaga soo laabteen kadib markii sida uu yiri ay burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab deegaanka buulo- guduud,inkasta dhinaca kale dadka ku sugan goof guduud ay sheegeen in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso deegaanka buulo-guduud.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Szanbp
via IFTTT
No comments:
Post a Comment