Friday, February 12, 2016

Dagaal ka dhacay duleedka Boosaaso iyo taliye qeyb ka ahaa dagaalka oo gacanta lagu dhigay

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad habeen xeebta ceelaayo oo 30 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Boosaaso ka dhacay, iska horimaadka ayaa yimid kadib markii ciidamada badda Puntland oo ka hortagayay 300 oo qof oo la tahriibinayayay ay iska cabin kala kulmeen dabley loo mleyanyo inay ilaalo u yihiin kooxaha wax tahriibiya,waxaana la sheegay in qofka weerarkaasi ku dhintay uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Puntland.
Sida warku sheegayo Ciidanka puntland ayaa gacanta ku dhigay dad looga shikisan yahay inay qayb ka yihiin shabakadaha wax tahriibaya, taliyaha ciidamada badda Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay howgalkaasi qaadeen ka dib markii ay heleen xog sheegaysa in dad gaaraya ilaa 300 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan laga tahriibinayo deegaanka Ceelaayo.
"Xalay markey saacaddu ahayd 10-kii habeenimo ayaa helay xog ah in saddex doomood oo tahriiba ka baxayaan Ceelaayo halkaasna ay diyaar ku yihiin 360 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan" ayuu yiri, taliyaha ayaa sheegay in ay soo qabteen 32-qof Soomaali tahriibayaal ah iyo 14 qof oo u ku jiro Taliyihii saldhiga Ceelaayo u ku eedeeyey in uu ka danbeeyey weerarka iyo Tahriibinta.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0RuKX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment