Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay weli ku tiirsantahay ciidamada ka socda dalalka Afrika qaarkood ee ku sugan Soomaaliya, kuna howlgala magaca AMISOM, Xasan Sheekh oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka hadlay waxqabadka ciidamada AMISOM iyo cidda laga doonayo inay dhisto ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si xukuumaddu ay isku filnaasho dhanka ciidamada ah u gaarto.
Su'aal aheyd in dowladda Somaaliya inay ku tiirsanaan karto ciidanka Midowga Africa ee Somaliya jooga iyo in kale, ayuu kaga jawaabay inay si aad ah ugu tiirsanyihiin, ayna ka waxqabad badan yihiin ciidamada Qaramda Midoobay ee nabad-ilaalin ahaanta u jooga dalalka calaamka qaarkood.
"Howlo aad u wanaagsan ayey ciidamada AMISOM qabteen, waana ku tiirsannahay, maalintii ay imaanayeen iyo maanta Soomaaliya way kala duwan tahay, xaaladda Al-shabaabna way ka duwan tahay middii hore" ayuu yiri yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu laba u qaybiyey dagaalada ka socda Soomaaliya, isagoo midka hore ku sheegay mid ay adduunyada oo dhan si saf ah ula dagaalameyso waxa loogu yeero argagixisada, halka ka labaadna uu ku sheegay midka Somaaliya oo kaashaneyso AMISOM ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab.
Madaxweynaha Somaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mar haddii goob dagaal ay laba ciidan isaga horyimaadaan ay suura-gal tahay in dagaalka ku jabo marba dhinac; taas oo qayb ka tahay xaaladaha dagaalka.
Waxaa kale oo uu ka hadlay kharashka howlgalada ciidamada AMISOM iyo mudadooda oo dheeraatay, wuxuuna yiri "Sagaal sano ayey ciidanka AMISOM joogaan Somaliya, waxaad eegtaa ciidamada Qaramada Midoobay immisa sano ayey joogaan Congo DR, Daarfuur iyo Buuraleyda Goolen, marka loo eego waxay qabteen 30-sano iyo ciidamada AMİSOM howsha ay dalka ka qabteen sagaalkaas sano ee ay joogeen, runtii waa horumar aad iyo aad u weyn ayey gaareen, way dhismayaan ciidamada Soomaaliya marka dhamey-stirmo ayaa tirada ciidamadaas la dhimi doonaa".
Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa ku eedeeyey Soomaalida inay gacmahooda ku burburiyeen guryahoodii iyo dowladnimadi Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan dhismaha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa yiri "Qof walba oo Somaali ah mas'uuliyad ayaa ka saaran dhismaha dalkiisa, waayo iyagaa iska leh, dalku haddii uu dumay iyagaa gacnahooda ku dunsaday, annaga dalkan joognay dadka Soomaalida mid qori tuuraya mid xabbad ridaya iyo mid qalbiga ka jecelaa ayaa la ahaa, marka maanta waan garanay inaan qaldannay waana ka soo noqonay, ciidamadeena iyo dalkeena inaan dhisano innagaa nalaga doonayaa, mas'uuliyaddana innagaa leh oo eeda yaan dad kale saarin".
Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan ayaa tiradoodu waxay ka badan tahay 22,000 oo askari, kuwasaoo ka socda shan dal oo ay ka mid yihiin; Itoobiya, Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Burundi, waxaana ciidamadan ay ka billaabeen howlgalkooda Somalia sannadkii 2007-dii.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QDIzPy
via IFTTT
No comments:
Post a Comment