Saturday, February 20, 2016

Madaxweyne Xasan: Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajib, waana suurtagal in…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka daahfurka dowladda oo dadweynaha ay su'aal ku weydiinayeen madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go'antahay sidii dalkan cadowga looga cirib tiri lahaa, Madaxweynaha oo ka hadlayey aaminaadda shacabka ee dowladnimada ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in shacabku ay kalsooni ku qabaan madaxdooda, waxaana uu intaa ku daray in barnaamijka daahfurka dowladda ay qeyb weyn ka qaadan karto in la is aamino, isla markaana la isla xisaabtamo.
"Nidaam iyo qaab aan isku aamino aan sameysano, nidaamka dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, shaqsiga xilka haya beri wuu ka tegayaa, howshan aan maanta u jogno waa tallaabada lagu sixi karo nidaamka dowladnimada" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan oo ka hadlayey arrimaha amniga iyo mushaaraadka ciidanka ayaa yiri "Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go'antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taaganyihiin sidii cadowga ummadda uga difaaci lahaayeen".
Sidoo kale Xasan ayaa yiri "Waxaan ka cudur daareneynaa marka ay socdaan howlgalada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go'antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed", Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha qaadka ayaa sheegay in qaadka uu dalka ku hayo dhibaato aad u weyn, waxaana uu intaa ku daray in meelo badan oo dunida ka mid ah qaadka laga mamnuucay, balse dowladda ay sameyn doonto qorshe bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada uu qaadka leeyahay.
"Dowladda marka ay go'aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadla waxay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan ka wacyi gelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka, dowladduna waxa ay sameyn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan" ayuu yiri Madaxweynaha.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Q1I0ga
via IFTTT

No comments:

Post a Comment