Dowladda Jarmalka oo dib u fasaxeysa malaayiin dollar oo Soomaaliya loogu deeqay burburkii dowladdii dhexe ka hor sheegtayna in…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, taas oo lagu magcaabo Jutta Gisela Frasch.
Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra'iisul Wasaare Angela D. Merkel,waxaana madaxweynaha oo kulankaasi ka hadlay uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doonayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska dalka Soomaaliya sida uu yiri.
Dhinaca kale Danjiraha cusub ee dalka jarmalka u fadhidoonta dalka Soomaaliya oo kulanka ka hadashay ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhaweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016-ka.
Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Sidoo kale Jarmalka ayaa sheegay inay dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobolada Soomaaliya.
Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mfdFSL
via IFTTT
No comments:
Post a Comment