Friday, February 19, 2016

Al-shabaab oo beenisay war ka soo yeeray dowladda Kenya oo horay u sheegtay inay duqeyn ku dishay…

Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku beenisay hadal ka soo yeeray dowladda Kenya, kaas oo ahaa in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka geysteen koofurta Soomaaliya ku dileen Madaxa Sirdoonka Al-shabaab Mahad Karatey iyo saraakiil kale, afhayeenka howlgalada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Kenya, isagoo ku tilmaamay mid ay ugu laab-qaboojinayaan bulshadooda, gaar ahaan khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Ceel Cadde.
"Waa waxba kama jiraan hadalka ka soo yeeray Kenya, mana jiro mas'uul ama sarkaal ka tirsan Al-shabab oo ay dileen, warkaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid lagu laab-qaboojinayo shacabkooda xasuuqii ciidamadooda loogu geystay weerarkii Ceel-cadde" ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa sheegay inuu is burinayo hadalada ka soo yeeray dowladda Kenya, isagoo xusay inaanu jirin wax duqeyn ah oo dhacay, isla markaana uu yahay wararkaas mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxaana xusid mudan in war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Kenya lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda dagaalka geysteen 8-Febraayo lagu dilay Mahad Karatay iyo 10-Sarkaal oo kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L0tZ5w
via IFTTT

No comments:

Post a Comment