Safiirada beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Sooamaliya Michael Keating oo Garoowe ku sugnaa maalmihii tagay ayaa soo gabagabeeyay kulamadii ay la lahaayeen siyaasiyiinta, golaha dhaqanka, bulshada rayidka ah, madaxda iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulamadaasi aysan ka soo bixin wax natiijo ah.
C/weli Gaas oo ah hogaamiyaha Puntland ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo ay la gaareen safiiriada caalamka u fadhiya Soomaaliya, balse ay isku afgarteen beesha caalamka inay dib isugu laabtan, madaxda Puntland iyo shacabkooda si ay arrintan uga wada-hadlaan.
"Wax heshiis ah oo la gaaray ma jirto, balse waxaanu beesha caalamka isku afgarannay in dib la isugu laabto, annaga Puntland ahaan waan sii wadeynaa wada xaajoodka iyo in beesha caalamka aanu dib isugu soo laabano, aanan kawada shaqeyno sidii Somaaliya loo horumarin lahaa, waxaana rajeynayaa inaan isku soo laabano, meesha hadda aanu joognana aan horay uga sii socono" ayuu yiri C/weli Gaas.
Danjire Michael Keating oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland si weyn loogu soo dhaweeyay, ayna dhageysteen aragtida ay ka qabaan nooca doorasho ee la isla qaatay, wuxuuna intaas ku daray in wadatashi kaddib dib la isku soo laaban-doono.
Ergayga oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen; Safiirrada Maraykanka, Midowga Yurub, UK, Talyaaniga, Sweden, IGAD Uganda, iyo Itoobiya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho iyaga oo aan wax natiijo ah ka keenin ujeedkii ay u tageen Puntland.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0Rvi5
via IFTTT
No comments:
Post a Comment