Sunday, February 7, 2016

Maamulka Somaliland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay daacad ka aheyn wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo sabab u ah faashilka ku yimid wada hadaladii u dhexeeyay labada dhinac sida uu yiri.
Wasiir Sacad, oo waraysi siiyay jariirada Ethiopian reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, uu wadahadalada wiiqay ka dib markii uu wadahadalada Somaliland iyo Soomaailya u soo diray dad reer Somaliland ah oo degen Soomaaliya.
Wargeyska ayaa wasiirka weydiiyay sababta burburisay wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac, waxaanu Wasiir Sacad yiri "Waxaad ogtahay in wadahadalada loogu talo galay inay dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin madaxweynaha Somaliya wuxuu soo diray wefti ka kooban dad reer Somaliland ah oo Soomaaliya degen. Waxaana isleeyahay waa taas tan burburisay qorshihii oo dhan, maadaama oo loogu talo galay in wadahadaladu dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya,wuxuuna intaasi ku sii daray in qorshaha cusub ee dowladda soomaaliya la timid ama ay soo kordhisay uu muujinayo inaysan dawladda Soomaaliya ahmiyad siinaynin wada hadalada".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1La4tFK
via IFTTT

No comments:

Post a Comment