Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa ku baaqay in ciidan awood leh oo amniga hanta loo dhiso Soomaaliya, isagoo Dowladda soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya.
Danjire Francisco Madeira ayaa sidoo kale ku baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay yeeshaan iskaashi wada-shaqeyneed oo buuxa si looga gudbo caqabadaha ku hor-gudban dib u soo celinta nabadda iyo xaasiloonida guud ee Soomaaliya.
Hadalkaan, ayuu Wakiilku ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay taliyeyaasha qaybaha howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, kaasoo looga dooday Ammaanka Soomaaliya, ayna goobjoogayaal ka ahaayeen Saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa hay'adaha Amniga dalka.
"Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed way og-yihiin dhibaatooyinkii uu dalkoodu soo maray, Sidaa daraadeed, si loo burburiyo Al-shabaab Waddankana Nabaddii hore loogu soo celiyo waa in xil weyn la iska saaro dhismaha ciidamo Awood leh oo hanta Ammaanka guud ee Soomaaliya" ayuu yiri danjire Francisco Madeira.
Sidoo kale Danjire Madeira ayaa xusay in aanay Muhiimadda ugu weyn ahayn xilligaan in lagu guuleysto dagaalada lagula jiro Al-shabaab, laakiinse waxaa loo baahan yahay in laga fikiro isbedello lagu sameeyo xoojinta Ammaanka Mustaqbalka Soomaaliya.
"Ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh, Tababaran, isla markaana aad u qalabeysan oo ay Caawinayaan Ciidamada AMISOM ayaa ah tan keliya ee lagu gaari karo in Soomaaliya oo dhan ay soo gasho gacanta Dowladda federaalka ah, Al-shabaabna laga saaro Deegaanada ay gacanta ku hayso… Ciidamadaasoo ah kuwa la Wareegi doona Amaanka guud ee dalka Somaliya markii uu dhamaado xilliga howlgalka ciidamada AMISOM" ayuu markale yiri Danjire Madeira.
Ergaygu wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Saaxiibada Beesha Calaamka ay ahmiyad weyn siinayaan sidii ciidamo Soomaaliyeed oo Awood leh loo dhisi lahaa, danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay Soomaaliya u joogaan sidii ay u caawin lahaayeen dowladda Soomaaliya si dalka oo dhan looga dhigi lahaa mid nabadoon oo ay xasillooni buuxdaahi ka jirto.
"Ciidanka AMISOM ma ahan kuwo si Awood ah ku jooga Soomaaliya, laakiin waa Ciidammo ka caawinaya Dowladda Soomaaliya sidii dalka loo xasilin lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka difaacaya cadowga. Sidaas daraadeedna waa inaan cadowga ka adkaanno oo burburino," ayuu kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pw8xnF
via IFTTT
No comments:
Post a Comment