Tuesday, February 2, 2016

Dowladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee Hargeysa aadi jiray

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Jeneraal C/laahi Gaafow ayaa lagu sheegay in si KMG loo joojinayo duulimaayadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa, taliyaha oo wareysi siiyey VOA ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in dadka ku khasbayaan inay goostaan waraaqo dal ku gal ah (Go home), isla markaana lacago badan looga qaado.
Waxa uu amar ku siiyey shirkadaha duulimaadyada in muddo 21 cisho ku joojiyaan duulimaadyada, taas oo ka bilaabameysa 22-ka bishan Febraayo, wuxuuna yiri taliyaha "Haddii duulimaadyadii gudaha dadka lagu qasbayo inay goostaan go home, lacago badan laga qaadayo, uma dulqaadan doono, waxaa shirkadaha ku amarnay inay duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho joojiyaan, inta laga xalinayo caqabadahaas".
Maamulka Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Koofurta Soomaaliya ku amartay inay qaataan fiiso ama ogolaansho si ay ugu noolaadaan deegaanadeeda, si kastaba ha ahaatee amarkan ka soo baxay waaxda socdaalka ayaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa isu socodkii labada dhinac, iyadoo maalin walba magaalada Muqdisho ka baxaan illaa saddex duulimaad oo ku sii jeeda Hargeysa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UIv7e8
via IFTTT

No comments:

Post a Comment